BALIGUBADLE MEDIA
Axsaabta Muncaaradka Somaliland oo Gabay Doorkoodii Muncaaradnimo Iyo Xukuumadda Muuse oo Ku Jeesjeesaysa
December 6, 2018 - Written by editor

axsaabta muncaaradka somaliland ayaa gabay doorkoodii muncaaradnimo ee looga baahnaa kadib markii ay ku fashilmeen hawlahoodii shaqo ee loog baahnaa inay bulshadda ugu filnaadaa taas oo ay kamid tahay dhaliisha iyo toosinta xukuumadda iyo inay muncaaradad adag ku wajahaan xukuumadda si xukuumaddu isku difaacdo una saxdo khaladaadka maamul ee ay gashay

ucid iyo waddani

balse axsaabta muncaaradka ayaa iska noqday meherado ashkhaasi leedahay siday doonaana ay ugu shaqaystaan waxaana meesha ka baxay nidaamkii iyo xeerarkii ay hawlmaalmeedkooda ku gudan lahaayeen xisbiyadda kuncaaradku waxanaa taas ka faa’idaysatay xukuumadda biixi oo aan iyadu cidnaba wax iskaga tirinayn si walba ugu takri falaysa awoodii dastuuriga ahayd ee dalka kadib markii ay wayday axsaab al xisaabtanta

jawiga siyaasadeed ee somaliland ayaa iska liita 7 sanno ee u dambeeyay taas loo sababaynayo axsaabta muncaaradka oo dooroodii ay ku qurxin lahaayeen saaxadda siyaasadda gabay iyadoo xukumadda kolba jirtaana siday doonto ugu tarki fasho awooda dalka
isku soo wada duuboo waxa jaahwareerka ku dhacay umadda somaliland ka saari kara xisbiyao hufan oo la yimaada barnaamijyo aragti siyaasadeed iyo mid hogaamineedba hagayaan oo ay ku jiheeyaan umadda islamarkaana si fool ka foola u wajaha xukuumadda jirta una qodobeeya dhaliilaha hadba dul hooganaya xukuumadda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS