BALIGUBADLE MEDIA
Aniga Xamar Laygama Soo Dirin, Cabdiweli Isagaa Iiga Dhow Farmaajo”Camay”
December 5, 2018 - Written by admin

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa diidday in dowladda federaalka ay door ku leedahay khilaafka ka taagan guddiga anisxinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland, kaddib markii labo guddi oo iska soo horjeeda ay magacaabeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

camay

” Xamar nin  ku xiran ma ahi , anigana ma ahi nin u socda dowladda federaalka oo jago ka raadsanaya ama wax ka doonaya, ee xamar umadda reer Puntland ayaa lagu jahwareerinaya.” ayuu yiri Eng Camey oo inta raaciyay ” Cabdiweli toddobaadkii inta ay iswacaan isaga iyo Farmaajo xisaab maleh saacad walba ayay wada-hadlaan… Haddii cid lagu xaglinayo iyagaa saaxib ah,iyagaa is xiga ,iyagaa ilaa Marekanka wada socday”.

“Aniga arrimaha aan ka hadlo wadaniyada iyo Soomaali jacel ayaa igalisay “. ayuu ku daray madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo warbaahinta gudaha ay waydiisay sababaha uu uga soo horjeesan jirey shirarkii uu hormuudka u ahaa Cabdiweli Gaas, ee madasha dowladgobolleedyada.

Gabagabadii, waxa uu sheegay in khilaafka taagan waxa kaliya ee lagu xallin karo ay tahay in laga wada-hadlo magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka,iyadoo khilaafka ka taagan magacaabiista guddiga loo diiwaangaliyay markii ugu horreeysay oo Puntland madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa ay magacaabaan labo guddi oo iska soo horjeeda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS