BALIGUBADLE MEDIA
Sucuudi Carabiya oo Maanta Su’aalo Laga Waydiinayo Heerkeeda Xuquuqda Aadanaha
November 5, 2018 - Written by admin

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda xuquuqda aadanaha.

Kulanka dib u geesta oo ah mid joogta ah ayaa waxaa qasab ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay soo gudbiyaan herkooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo afartii sanaba mar la baaro.

Hasayeeshee dib u eegistan Sucuudiga ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalkiisa loo soo jeediyay dhaleecayn caalami oo ku aaddan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, iyo dagaalka ay ka waddo dalka Yemen.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa inta ay socoto dib u eegista waxa uu sidoo kale eegi doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalka Shiinaha, Nigeria, Mexico iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Sucuudi Carabiya waxa ay filan kartaa in la weydiyo su’aalo adag, xitaa ka hor dilka Jamaal Khaashuqji, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka dhigay in xukumadda Riyaad ay iska dhaga tiraysay talooyinka Qaramada Midoobay ay soo jeedisay ee ahaa inay soo afjarto ciqaabta iyo jirdilka maxaabiista loogu geysanayo xabsiyada, inay ogolaato mucaarad siyaasadeed oo si nabad ah ku howlgala iyo in sare u qaado xuquuqda haweenka.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in dagaalka Yemen, halkass oo xulafada uu horkacayo Sucuudiga ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta uu horseeday in malaayiin qof ay qarka u fuulaan in macluul ay wajahaan iyadoo Qarama Midoobya-na ay hayso caddaymo muujinaya in dambiyo dagaal la geystay.

Kulankan dib u eegista ee maanta ayay suuragal tahay in xitaa saaxibadii dhawaa iyo kuwii saadka milateri ka iibin jiray ay Sucuudiga ka dalbadaan jawaabo cad cad.

Kulankan su’aalaha Sucuudiga lagu weydinayo ayaa si toos internetka loogu baahin doonaa markaas oo qofkasta meeluu rabo dunida haka joogee uu daawan karo.

Dabayaaqada todobaadkanna waxaa miiska la soo saari doona arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Shiinaha xilli weliba uu sii kordhaayo walaaca laga qabo caddeyma ah in Beijing ay sameysay xeryo lagu soo uruuriyay oo lagu xiray hal milyan oo qof oo ah Muslimiinta Uighur.

Xigasho : bbc somali

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS