BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Jamaal Cali Xussen Opo Maalinta 8-da Bisha November Ula Baxay Magac Cusub
November 8, 2018 - Written by admin

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta oo kale 8-da Bishan November waxa uu ula baxay Xuska maalinta cadaaladdarada Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay maalintii ay Somaliland ka dhacday cadaaladdaradii siyaasadeed ee u xumayd, iyadoo uu sheegay inay ku beegan tahay maalintii laga hor istaagay garabkii uu hogaaminayay inay Shir ku qabsadaan Huteel Maansoor halka Faysal Cali Waraabe Oo Garabka kale hogaaminayay ay Xukuumaddu ciidan illaaliya iyo Huteel ugu deeqday.

Jamaal cali xuseen

Qoraal Uu Jamaal Cali Xuseen Dhacdadan Kaga sheekeeyay oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa uu u dhignaa sidan

“Maanta oo kale November 8-deedii, sanadkii 2016, waxa Somaliland ka dhacay cadaalad daraddii ugu balaadhneyd ee weligeed soo marta xagga siyaasadda.

Xisbigga UCID oo khliaaf ba’ani uu rigaadiyey ayaa gaadhay heer ay labaddii garab ee heshiisku dhex maray ee labadda shir kala qabsaday ayaa shirkii uu hogaaminaayey murashax Jamaal Cali Xuseen ay dawladda Somaliland oo ay madaxtooyaddii xilligaasi ka mamnuucday hotelka Maansoor in ay shirkooddii ku qabsadaan; halka ay xukuumaddii Somaliland iyo xisbigga Kulmiye ay hotelkii Faysal Cali Waraabe garabkiisu ku qabsanaayey shirka ay ilaalinayeen ciidanka Somaliland, oo uu weliba ka qayb galay gudoomiye ku-xigeenka xisbigga Kulmiye Maxamed Kaahin Ahmed imikana ah wasiirka arrimaha gudaha. Waxaa markii danbe dhacday in garabkii Jamaal Cali Xuseen ay shirkoodii ku qabsadeen geed hoostii iyadoo safaadadda Somaliland ay halkaasi joogtay”.

Waxa kale oo uu yidhi“Runtii cadaalad daraddii lagu sameeyey murashaxii madaxweynaha ee Xisbigga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu ahaa mid laga wada siman yahay oo ay Maxkamadda sare ee Somaliland iyo gudoomiyaheedda Aadan Xaaji Cali ay leeyahiin masuuliyaddeeda ugu horeysa, maadama ay si toos ah ugu badheedhtay in ay Jamaal Cali Xuseen oo laga baqanaayey doorashadda toos loogu badheedhay, iyagoo markii danbe xukunkii ay soo saareen ee ahaa in labadda garab shir beenbeen ah ay wadda qabsadaan, runtii indhaha ka qarsatay. Haddii xataa tooda loo raaco, marka xataa la eego xukunkii maxkamadda sare wuxuu ahaa in shir labadda garaba ay joogaan la sameeyo; taasi may dhicin ee  Faysal Cali Waraabe ayaa intii dad ka soo urursaday meelahaasi yidhi waa golahii dhexe oo Jamaalna way tuureen, anigana way i doorteen”.

Isagoo dhacdadan ka sheekaynaya ayaa waxa uu ku sii yidhi“Dalkeena waxaa ka dhacay arrin ugub ku ahaa oo taariikhda saameyn weyn ku noqon doona, una sababi kara burbur. Marka nin dhan oo gole dhexe ee Xisbi doortay oo hore saxaafadda horteena ku kala saxeexday heshiis, geliyey hanti, iyo dedaal badan, xisbigga u keenay murashaxiin iyo cod, oo 4 sanadood loogu yeedhaayey inuu murashaxa xisbigga ahaa in aayar oo dhalatay la yidhaahdo maaha murashaxa xisbigga, iyadoo sababta uu xisbigu u soo baxayba ay tahay in uu Jamaal cali Xuseen noqday murashaxa xisbigga.

Taa waxaa u daliil ah sida uu xisbiga UCID ahaa, taasina Faysal Cali Waraabe ayaa horteena iyo Maxkamadda sare ka qirtay oo yidhi; ” Bakhtigaa noo xalaal ahaa kolkuu Jamaal noo yimid, anigaana golaha dhexe u codeeyey; laakiin waanu khiyaameynay”. Kolay waxaa la hubaa in Jamaal ama cid kale ay maalin ay noqotaba ka qori doonaan dadkii fuliyey cadaalad daraddaa dalka ka jirtana. Dad qaar shacabka kolkaad la sheekaysatid waxay qirayaan inay cadaalad daro weyn ay ahayd, dalkana waxyaalaha haysta uu kiiskaa Jamaal ugu weyn yahay. Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan laga waraystay HCTV ayaa sheegay in cadlaad daraddii ugu weyneyd ay ku dhacday Jamaal iyo dadkii la soo halgamay oo runtii la dhacay oo ay Somaliland oo dhami iskugu tegtay”.

Ugu dambayn waxa uu qoraalkiisa ku yidhi“Tolow muxuu noqon doonaa dadka arkaaya Jamaal ma ku soo dhiiran doonaan in ay dalka wax u qabtaan. Jamaal Cali Xuseen oo ka yimid shaqo weyn oo ka hastay caalamka ayaa imika u muuqda mid ka filaynin uu dalkiisa cadaalad daro sidaa u weyni ay kaga dhici karto”.

Dhinaca kale maalintani waxa ay ku beegan tahay Maalintii Alle ha unaxariistee uu geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS