BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed Binu Salmaan oo Hawlagalo Ciidan oo Hoose Ka Bilaabay Boqortooyadda Dalkiisa Iyo Wararkii U Dambeeyay
November 29, 2018 - Written by admin

Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid.

maxamed binu salmaan

“Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yidhi Mujtahid oo soo gudbiya xogaha Sacuudiga.

“Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid.

“Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.”

Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan.

Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed.

Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS