BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Muuse Biixi oo Qandaraas Lacag Badani ku Baxayso Siiyay Wiil Ganacsade ah oo u Adeer u yahay Iyo Fanaanka Bk + Waa Maxay Mashruucaasi?
November 1, 2018 - Written by editor

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qandaraas ku siiyey Wiil uu adeer u yahay oo ganacsade ah iyo fanaanka Maxamed Siciid Bk, dhaqaale xadigiisu badan yahay inay lixda gobol ee Somaliland uu fanaanku bulshada kaga wacyi-geliyo bulshada qabyaalada, isla markaana kusoo qabto bandhig fanneedyo Lacag la’aan ah.

aar iyo bk

Fanaanka Maxamed Siciid Bk iyo ganacsadahan kasoo jeeda qoyska madaxtooyadda, ayaa qorshahan lagu siiyey Lacag 100’000, Dolar ah, iyadoo hadda lacagtaa loo sii daayey 50,000, Dolar oo lagu soo samaynaayo bandhig faneedyada lixda gobol. Iyadoo qorshahan wacyigelinta ee bandhig faneedka todobaadkan lagu qabtay Habeenkii Hargeysa huteel Crown ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Ganacsadahan Madaxweynuhuu adeerka u yahay, oo isaggu lahaa fikirka Fanaankan lagu hawl-geliyey, ayaa Lagu magacaaba Cabdi Yuusuf Aar, kaasoo ah Gudoomiyaha Shirkadda Daabacaada ee Sagal-jet, kasoo Kamid ah, casabada aqalka Madaxtooyada sida dadban awooda ugu dhex leh, waxana hore loo siiyey qandaraasyo tiro badan tan iyo intii uu Madaxweynaha noqday Muuse Biixi Cabdi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS