BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Gaas Oo Soo Gaadhey Magaalada Dhahar ee Gobalka Sanaag Iyo Madaxweyne Biixi Dib Uga Soo Laabtey Ceerigaabo
November 29, 2018 - Written by editor

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Dhahar oo ku taalla waqooyi galbeed gobolka Sanaag.

cabdiweli gaas

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yimaado magaalada Dhahar tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa dib ugu soo noqday degmada Ceel-afweyn oo uu hadda ku sugan yahay isaga booqan bariga gobolka Sanaag oo shacab reer Somaliland filayeen in uu booqasho ku tagi doono.

Magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn gobolka Sanaag waxaanay magaalada Ceerigaabo u jirtaa 220 km

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS