BALIGUBADLE MEDIA
Madaxtooyada Somaliya oo U Digtay Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Soomaaliya
November 8, 2018 - Written by admin

Xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramada Midoobey ay si joogto ah uga hadleysay Jahwareerka Siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliya ayaa arintaasi, waxaa ka hadlay xubno ka mid ah Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha.

news deg ah

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqata in ay si weyn uga cadhootay war kasoo baxay Qaramada Midoobey, kaasoo looga hadlaayay doorashadda Koonfur Galbeed in ay ku dhacdo si wanaagsan oo dadka degaanka ay ku qanacsan yihiin.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya.

Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban  oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa yidhi : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn”

Hadalka La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ammaanka ayaa muujinaya mug siyaasadeed oo ka dhex jira Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS