BALIGUBADLE MEDIA
Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Digniin Udiray Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta.
November 29, 2018 - Written by admin

WAR-SAXAFADEED:

Waxaan marka hore hanbalyo diiran u dirayaa Guddoomiyaha Shirkada Telesom Mudane Abdikareem Mohamed Eid oo ku guulaystay inuu  noqdo Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018. Baanka Dhexe ee Somaliland iyo  Labada Shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil waxa ka  dhaxeeya  wadashaqayn  wanaagsan , waxaanay labada shirkadood  ka midyaheen yaheen  tiirarka ugu waawayn ee dhaqaalaha iyo  horumarka teknoolajiyadda Somaliland ku qotomo.
gudoomiyaha baanka so
Waxaynu  beryahan danbe maqlaynay kooxo kala duwan oo ay ka mid yaheen Sarriflayaashu,  oo si qaldan uga hadlay xaaladda dhaqaalahe ee dalka  ka jirta.Waxaanu bulshada Somaliland u iftiiminayna  in  waajibaadka asaasiga  ee Baanka Dhexe  yahay  dejinta ascaarta  iyo ilaalinta qiimaha Shilinka Somaliland. Waxa kale oo uu Baanku  masuul ka yahay samaynta iyo  fulinta  siyaasadda lacagta   “Monetary Policy”. Haddaba annaga oo waajibaadkaas ka duulayna  waxaanu idinla wadaagaynaa  sababaha keenay hoos u dhaca sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha SLSH.

A ) Hoos u  dhac  ku yimid  sicir bararka   & Sababaha.

Sicir bararkii ka jiray Somaliland  waxa uu halkii ugu saraysay gaadhay  bishii February 2018 oo uu taabtay 19.1%.  Balse  laga bilaabo Bishii March 2018   sicir bararku  bil walba si tartiib ah  ayuu hoos ugu soo dhacaayay. Tusaale ahaan  Bishii March  2018 wuxuu sicir bararku hoos ugu soo degay:18.9 %; April  18.3%; May  17.6%;  June 15%;  July 13.6%; Aug 13.7%; Sept  9.6%; iyo  Oct, 2018   oo uu ku soo dhacay  8.4%. Taas macnaheedu  maaha sicir barar ma jiro, balse waxa weeye xaalad cusub oo dalku galay  afka qalaadna  loogu yeedho “Disinflation”.  Waa  xaalad dhaqaale oo caafimaad qabta una wanaagsan dalalka soo koraaya ee sicir bararku haleelay.  Sababaha ugu mudan  ee keenay hoos u dhaca tartiibta ah ee sicir bararka   “Disinflation” waxa ka mid ah:

Kharashaadkii badnaa ee   dawladda Dhexe soo dayn jirtay  kana baxsanaa oddoroska Miisaaniyadda iyo mashariicda horumarinta qaranka  oo guud ahaanba joogsaday.

Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa “Money supply”.
Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta  soona  saara sicir dhexe “Daily guidance rate”.   Sarriflihii  Sicirka Dhexe  kor u dhaafa wax ka badan 2% waxa laga saaraa systemka  elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho  ruqsaddana waa lagala noqdaa.
Wax-soosaarka dalagga beeraha dalka oo kordhay iyo khudaartii laga keeni jiray dalalka jiiraanka oo yaraatay.
Xukuumadda Somaliland oo mamnuucday   in wixii ka yar $100  laysugu  diro adeegyada  Zaadka  & Edahab taaso kor u qaadday  Isticmaalka, Faafinta, , Kaydinta iyo kor u kaca qiimaha Shilinka Somaliland.Waxa xusid iyo ammaan  mudan in  adeegyada Zaad & Edahabay  door wayn  ka qaateen hirgelinta mashruuca  isticmaalka iyo faafinta lacagta qaranka.
B) Digniin Ku waajahan Sarriflayaasha & Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Sida ku cad Xeer No. 54/2012, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu u xilsaaran yahay dejinta ascaarta guud iyo xasilloonida qiimaha SLSH, dalkuna  wuxuu galay xaalad cusub oo sicir bararku hoos ugu dhacay  8.4% bishii October  2018. Haddaba, waxaanu dareen-nay dad aan ku xeel dheerayn arrimaha dhaqaalaha oo si khaldan u tarjumay sababaha keenay hoos u dhaca tartiibaysan ee sicir bararka. Waxaanu uga digaynaa Sarriflayaasha iyo Hay’adaha  Maaliyadeed ee  wareegtadani khusayso  inay ka  waantoobaan qabashada  War-saxaafadeedyo ay ku  baahinayaan  xogo-dhaqaale oo xaqiiqada ka fog  bulshadana ku ridaaya jaahwareer.Waxa kale  oo Baanka Dhexe ee Somaliland  si dhaw ula socda  qaar ka mid ah Shirkadaha Waawayn ee Isgaadhsiinta oo  si dadban ugu xadgudbay Go’aankii Xukuumadu ku mamnuucaayay in laysu diro wixii kar $ 100.  Waxa iyana jirta  Shirkadda Golis oo  suuqa sarrifka soo gashay  iyadoon  Baanka Dhexe ka  haysan  ruqsad Maaliyadeed  “Financial License”.  Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu  si dhakhso ah u qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga  oo ay ka mid yihiin  ruqsad kala noqosho iyo xidhitaanka xafiisyadooda iyo goobaha ganacsigooda.

WAR-SAXAFADEED:

Waxaan marka hore hanbalyo diiran u dirayaa Guddoomiyaha Shirkada Telesom Mudane Abdikareem Mohamed Eidoo ku guulaystay inuu  noqdo Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018. Baanka Dhexe ee Somaliland iyo  Labada Shirkadood ee Telesom iyo Dahabshiil waxa ka  dhaxeeya  wadashaqayn  wanaagsan , waxaanay labada shirkadood  ka midyaheen yaheen  tiirarka ugu waawayn ee dhaqaalaha iyo  horumarka teknoolajiyadda Somaliland ku qotomo.

Waxaynu  beryahan danbe maqlaynay kooxo kala duwan oo ay ka mid yaheen Sarriflayaashu,  oo si qaldan uga hadlay xaaladda dhaqaalahe ee dalka  ka jirta.Waxaanu bulshada Somaliland u iftiiminayna  in  waajibaadka asaasiga  ee Baanka Dhexe  yahay  dejinta ascaarta  iyo ilaalinta qiimaha Shilinka Somaliland. Waxa kale oo uu Baanku  masuul ka yahay samaynta iyo  fulinta  siyaasadda lacagta   “Monetary Policy”. Haddaba annaga oo waajibaadkaas ka duulayna  waxaanu idinla wadaagaynaa  sababaha keenay hoos u dhaca sicir bararka iyo kor u kaca qiimaha SLSH.

A ) Hoos u  dhac  ku yimid  sicir bararka   & Sababaha.

Sicir bararkii ka jiray Somaliland  waxa uu halkii ugu saraysay gaadhay  bishii February 2018 oo uu taabtay 19.1%.  Balse  laga bilaabo Bishii March 2018   sicir bararku  bil walba si tartiib ah  ayuu hoos ugu soo dhacaayay. Tusaale ahaan  Bishii March  2018 wuxuu sicir bararku hoos ugu soo degay:18.9 %; April  18.3%; May  17.6%;  June 15%;  July 13.6%; Aug 13.7%; Sept  9.6%; iyo  Oct, 2018   oo uu ku soo dhacay  8.4%. Taas macnaheedu  maaha sicir barar ma jiro, balse waxa weeye xaalad cusub oo dalku galay  afka qalaadna  loogu yeedho “Disinflation”.  Waa  xaalad dhaqaale oo caafimaad qabta una wanaagsan dalalka soo koraaya ee sicir bararku haleelay.  Sababaha ugu mudan  ee keenay hoos u dhaca tartiibta ah ee sicir bararka   “Disinflation” waxa ka mid ah:

Kharashaadkii badnaa ee   dawladda Dhexe soo dayn jirtay  kana baxsanaa oddoroska Miisaaniyadda iyo mashariicda horumarinta qaranka  oo guud ahaanba joogsaday.

Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa “Money supply”.
Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta  soona  saara sicir dhexe “Daily guidance rate”.   Sarriflihii  Sicirka Dhexe  kor u dhaafa wax ka badan 2% waxa laga saaraa systemka  elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho  ruqsaddana waa lagala noqdaa.
Wax-soosaarka dalagga beeraha dalka oo kordhay iyo khudaartii laga keeni jiray dalalka jiiraanka oo yaraatay.
Xukuumadda Somaliland oo mamnuucday   in wixii ka yar $100  laysugu  diro adeegyada  Zaadka  & Edahab taaso kor u qaadday  Isticmaalka, Faafinta, , Kaydinta iyo kor u kaca qiimaha Shilinka Somaliland.Waxa xusid iyo ammaan  mudan in  adeegyada Zaad & Edahabay  door wayn  ka qaateen hirgelinta mashruuca  isticmaalka iyo faafinta lacagta qaranka.
B) Digniin Ku waajahan Sarriflayaasha & Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Sida ku cad Xeer No. 54/2012, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu u xilsaaran yahay dejinta ascaarta guud iyo xasilloonida qiimaha SLSH, dalkuna  wuxuu galay xaalad cusub oo sicir bararku hoos ugu dhacay  8.4% bishii October  2018. Haddaba, waxaanu dareen-nay dad aan ku xeel dheerayn arrimaha dhaqaalaha oo si khaldan u tarjumay sababaha keenay hoos u dhaca tartiibaysan ee sicir bararka. Waxaanu uga digaynaa Sarriflayaasha iyo Hay’adaha  Maaliyadeed ee  wareegtadani khusayso  inay ka  waantoobaan qabashada  War-saxaafadeedyo ay ku  baahinayaan  xogo-dhaqaale oo xaqiiqada ka fog  bulshadana ku ridaaya jaahwareer.Waxa kale  oo Baanka Dhexe ee Somaliland  si dhaw ula socda  qaar ka mid ah Shirkadaha Waawayn ee Isgaadhsiinta oo  si dadban ugu xadgudbay Go’aankii Xukuumadu ku mamnuucaayay in laysu diro wixii kar $ 100.  Waxa iyana jirta  Shirkadda Golis oo  suuqa sarrifka soo gashay  iyadoon  Baanka Dhexe ka  haysan  ruqsad Maaliyadeed  “Financial License”.  Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu  si dhakhso ah u qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga  oo ay ka mid yihiin  ruqsad kala noqosho iyo xidhitaanka xafiisyadooda iyo goobaha ganacsigooda.

Ali Ibrahim Jaamac “ Baqdaadi “

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

COMMENTS