BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ka Tirsan Dawlada Federaalka Ah Oo Lagu Amray Inuu Raali Gelin Ka Hor Bixiyo Golaha Shacabka Somaliya
October 10, 2018 - Written by admin

Xildhibaanada golaha shacabka soomaaliya oo maanta yeeshay fadhi ay kaga doodayeen xisaabka xidhka dawlada ee sanadkii 2017-kii ayaa waxa hadal ka hor jeediyey wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Maxamuud Xayir Ibraahin.

Fadhiga maanta ee golaha shacabka oo uu gudoominayey gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxa lagaga hadlay xisaab xidhka dawlada, iyada oo wasiirul dawlaha maaliyada lagu qasbay inuu raali gelin ka hor jeediyo golaha.

af maxaa tidhi raal
Raali gelinta lagu amray inuu bixiyo wasiirul dawlaha maaliyada dawlada federaalka ah ayaa la xidhiidhay jawaab uu hore uga bixiyey su,aal uu waydiiyey xildhibaan ku hadlay afka Maayga, jawaabtaas oo u dhignayd sidan “Malaha xildhibaanku  dad kale ayuu la hadlayaa, waayo

waxaa ku anna waxaa ku hadlayaa Af ” Maxaa tiri” isagan Af Maay ayuu ku hadalayaa’ su’aashii-na wuu iska khasaariyay’’

Gudoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Maxamed Sheekh Mursal ayaa wasiirul dawlaha ku amray inuu raali gelin ka bixiyo hadalkaas uu hore uga dhex sheegay golaha shacabka, waxaanu wasiirku sheegay in hadalkiisa si kale loo qaatay, waxaanu raalin galin buuxda siiyey dadka ku hadla afka Maayga.

Dhawaan ayeey aheyd markii sidan oo kale bulshada ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool ay uga xumaadeen hadal uu jeediyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, laakiin markii danbe maamulka Puntland ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii madaxweynaha.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS