BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Madaxwayne Biixi oo Dacwad Ka Gudbiyay Duqa Caasmadda
October 24, 2018 - Written by editor

madaxwaynaha somaliland ayaa dacwad ka dhana duqa caasimadda gudbiyay todobaadkan aynu ku jirno kadib markii uu ka cawday inuu ku kicinayo shacabka caasimadda oo ka cabanaya wax qabad la’aanta dawladda hse ee hargeysa

muuse iyo soltelko

madaxwaynaha oo awood u leh inuu kala diro golaha deegaanka ama si dadban xilka uga qaadi kara duqa caasimadda ayaa u muuqda inuu sifo beelaysan kursiga ugu ilaaliyo cabdiraxmaan soltelko oo ku fashilmay masuuliyadda magaaladda hargeysa waxaanu madaxwaynuhu isla todobaadkan ka dacweeyay duqa caasimadda guddida beelaha subeer awal oo uu u sheegay inay ka qabtaan wiilkan ku kicinaya bulshadda caasimadda arintan ayaa fajac ku noqotay cidkasta oo maqashay iyadoo madaxwaynuhu awood dastuuriya  uu u leeyahay wax ka qabashadda golaha deegaanka caasimadda balse madaxwyane biixi ayaa isku badalay jiif caaqil beeshiiska u fadhiya kursiga islamarkaana gabi ahaanba meesha ka saaray nidaamkii kale ee dawladnimo isagoo doona inuu dawladnimadda ku dhaqo beelaha kale beeshiisana uu u ahaado oday dhaqameed ka tala qaata taasoo aan ahayn wax umaddu aqbali karto

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS