BALIGUBADLE MEDIA
Wakhtiga uu Is Casilayo Madaxweynaha Itoobiya Oo La Shaaciyey Iyo Baarlamaanka Oo Dooranaya Mid Cusub
October 24, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Dalka Ethiopia Mulatu Teshome ayaa lagu wadaa in uu maalinta Berri ah xilkaasi ka dego, isla markaana uu warqadiisa Iscasilaada U Gudbiyo Labada Gole ee Dalkaasi.

Madaxweyne Dr. Mulatu Teshome ayaa ah madaxweynihii afraad ee Ay Ethiopia Yeelato marka laga soo bilaabo ilaa sanadkii 2013-kii ee Iska casila Xilkaasi.

mulatu

Warkan Oo Lagu Baahiyay Wakaalada wararak ee ENA ayaa intaasi ku daraya Kulanka Baarlamaanka dalkaasi uu kulankiisa berry  yahay in ay kaga aqbalaan Madaxweyne Mulatu Teshome ka tagista Shaqada, sidoo kalena ay mid kale oo cusub ku doortaan.

Madaxweyne Dr. Mulatu ayaa ku dhashay Magaaladda Arjo oo ka tirsan gobolkii hore loo odhan jiray Wollega sanadkii 1956, waxaana uu soo qabtay xilalka kala ah wasiirka horumarinta dhaqaalaha iyo xidhiidhka, Wasiirka Beeraha iyo Afhayeenka Golaha Federationka ee dalkaasi.

Halka uu dhinaca Diblomaasiyaddana soo noqoday safiirkii hore ugu soo joogi jiray dalka Ethiopia dalalka kala ah Turkey, China, Japan, Thailand iyo Azerbaijan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS