BALIGUBADLE MEDIA
Waa Maxay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dawladda Somaliya Iyo Xafiis Lagu Magacaabay Jaaliyadda Sucuudiga ee Somaliland
October 16, 2018 - Written by admin

Dawladda smaliya ayaa maalintii shalay taageero u muujisay dawladda dulmiga baahsani ka dhex socdo ee sucuudiga taas oo ku taageertay dilka wariye jamaal khashoggi iyo dulmi kasta oo sucuudi ku kaco

sidaa si lamid ah waxa warsaxaafadeed kaas lamida soo saaray nin lagu magacaabo alsomali kaas oo taageero balaadhan u muujiyay sucuudiga isagoo ku hadlaya afka jaaliyadda sucuudiga ee s/land

alsomali7

Haddii aannu nahay Jaalliyadda Saudi Arabia ee deggan dalka JSL mawduuca ku saabsan wariyaha Sucuudiga ah ee Jamal Khashoggi mawqifka aannu ka taagan nahay arrintaas waa mawqif aannu ku taageersannahay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Sucuudiga, iyo labada shacab ee labada wadan taasoo ah in lagu kalsoonaado oo aan laga hordhicin baadhista ay dawladda Sucuudigu ka samaynayso arrintaas.

Waxa aannu aaminsannahay in dawladda Sucuudiga looga dambeeyo baadhista iyo go’aankeeda u dambeeya ee la xidhiidhaa arrintaas maadaama uu yahay muwaadin Sucuudi ah, waxanan ka soo horjeednaa cidkasta oo si khaldan arrintaas u turujumaysa, ujeedooyin kale ka leh, ama dhibaato la jecel dawladda iyo dalka Sucuudiga ee Islaamka ah.

Allaa Mahad Leh

alsomali

COMMENTS