BALIGUBADLE MEDIA
Waa Hoggaamiye Dhab Ah Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye GAAS Nuux TAANI
October 6, 2018 - Written by admin

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Tani waxa uu ka mid yahay halyeyada reer Somaliland ee naftooda u huray horumarka Ciidanka Qaranka iyo dalka difaaciisa, isla markaana waxa uu leeyahay awood u gaar ah inuu si dhakhso ah u fahmo xaaladaha, isla markaana uu qaado tallaabooyinka degdegga ah. Aqbalaadiisa dabeecaddiisa gaarka ah ee dadka iyo Ciidanka ayaa ahaa mid sare
taani
Sareee GAAS Nuux waa Hogaamiye leh awood aqooneed oo uu ku dhiirigelin karo ciidanka saammeyn ku yeelani karo ciidankiisa si ay u gaadhaan guusha ay hiigsanayaan. Wuxuuna leeyahay awood hal abuurnimo leh, haddii ay soo waajahaan khatar ka timaaday xagga hoggaankiisa wuxuu isla markiiba ku fikiraa siddii uu ugu bixi lahaa

Hogaamiyuhu waa Hoggaanka ka qaybqaadashada La-tashiga dadka raacsan ee mufikiriinta ah fikradooda marka la gaadhayo go’aamada iyo qaadashada tallaabooyin gaar ah. Qeyb ka qaadashada la tashiga dadka waa ta ugu fiican marka dadka raacsan yihiin hoggaamiyaha

Hogaamiyuhu wuxuu si joogto ah u helayaa faa’iidada macluumaadka ugu wanaagsan, fikradaha, soo jeedimaha, iyo kartida iyo khibradda hawlgalka dadkiisa, fikradda muhiimka u ah go’aankiisa, waxa uu ka helaya talada dadka fikiro iyo khibrado uu ku go’aan qaato hogaamiyuhu wakhtiga khatarahu soo waajahaan marka uu la tashado dadka u hogaamiyaha u yahay

Hogaamiyuhu wuxu ku dhiirigeliya dadka in ay horumariyaan, kobcaan, kobciyaan horumarka dadkooda iyo dalkooda dadka intooda baddan waxay u shaqeeyaan si wanaagsan, xiiso baddan, oo heer sare oo dhiirigalin ah marka la siiyo Derajo macquul ah oo xor ah si ay wax uga qabtaan oo ay wax uga geystaan.

Sababta oo ah, waxay ku raaxaystaan ​​dareenka shakhsi ahaaneed, qiimeynta iyo guusha shaqadooda iyagoo sii laban-laaba dedaalka ay hoggaamiyahooga la ag-joogaan marka la eego, ka qayb-qaadashadu waxa uu keenayaa isir muhiim ah oo ku salaysan dhiirigelinta shakhsi ahaaneed ee shaqada qofku hayo.
Nuux-Ismaaciil-taani

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani

Jaamac Cali Geedi

COMMENTS