BALIGUBADLE MEDIA
Trump oo Si Cajiib Leh U Bogaadiyay Siyaasi Feedhay Suxufi
October 19, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ammaanay xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka Greg Gianforte, kaas oo dhulka ku dhuftay wariye ka tirsan wargeyska Guardian ee UK kasoo baxa.

trump white h

“Qof kasta oo qof kale legda ama dhulka ku dhufta waa qofkaygii” ayuu yidhi Trump oo ka hadlayay meel fagaaro ah.

Hay’adda difaaca wariyeyaasha ee CPJ ayaa madaxweyne Trump ugu baaqay in uu raaligalin ka bixiyo hadalka uu jeediyay.

Siyaasigan ayaa horey u qirtay falka uu ku sameeyay wariyaha, waxaana lagu xukumay lacag dhan $385 iyo 40 saacadood oo uu bulshada u adeego iyo 20 saacadood oo uu qaato koorsooyin la xidhiidha maareynta xanaaqa.
Source: Bbcsomali

COMMENTS