BALIGUBADLE MEDIA
Trump oo Difaacay Sucuudi Arabiya
October 17, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi.

trump fataal

Madaxweynaha oo shalay wareysi siiyey wakaalada wararka ee Associated Press, ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dalka Sacuudiga eedda loo jeedinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlaya arrinta Sacuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul Turkey, waxa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey.

Wareysigan ayaa la sii daayey ka dib marki uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sacuudi Carabiya, Salman Bin Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha dalkaas Maxamed Bin Salman.

Wasiirka ayaa madaxda Sucuudiga kala hadlayey arrinta Jamal Khashoggi.

Xigash: Voa

COMMENTS