BALIGUBADLE MEDIA
Tirada Wasiirada Ee Xilalkooda Ku Waayey Baadhis Musuq Maasuq Oo Sii Kordhaysa Iyo Masuulkii Ugu Dambeeyey Ee Xilkiisa Waaya –
October 18, 2018 - Written by editor

Qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa laga qaaday xilalkii ay hayeen ka dib markii lagu sameeyey baadhis la xidhiidha musuq maasuq.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo warshadaha soomaaliya Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye ayaa ugu dambeeyey xubnaha xilka laga qaaday.

khayre

Warbixin laga soo saaray xafiiska raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxa la fuliyey codsi ka yimid xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo baadhitaan ku haya wasiir ku xigeenka ugu dambeeyey ee xilka laga qaaday.

Wasiirada xilka laga qaaday ayaa ilaa hada ah.

Mukhtaar Mahad Daa’uud : Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda

C/raxmaan Daahir Cusmaan : Wasiirka Waxbarashada

Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed : Wasiirkii Gaashaandhigga,

Yuusuf Garaad : Wasiirkii arrimaha dibeda

Marwo Maryan Qaasim Axmed : Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka

Cabdi Siciid Juxaa : Wasiirkii Arrimaha Gudaha

Eng Sadiq cabdullahi cabdi :Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib udhiska

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS