BALIGUBADLE MEDIA
Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Magacaabay Wasiirul Dawleyaal Cusub oo Kamid Noqonaya Xukumadiisa
October 23, 2018 - Written by admin

Ra’isal Wasaaraha Waddanka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa Magacaabay Wasiirul Dawleyaal Cusub, kuwaas oo ka mid noqon doona Golihiisa Wasiiradda oo uu dhawaan isbedel balaadhan ku sameeyay.

Eyob Tekalign Tolina, ayaa waxa uu Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed uu u magacaabay in uu noqdo komishanka Qorshaynta iyo horumarka, kaas oo la shaqayn doona Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Axmed Shide.

Waxaana uu xilkaasi kala wareegi doonaa Yinager Dessie, oo isaga loo bedelay in uu hogaamiyo National Bank of Ethiopia.
New-State-ministers-

Zeynu Jemal oo hore u ahaan jiray taliyaha ciidamada Booliska Dalka Ethiopia, waxaa iminka loo magacaabay in uu noqdo wasiirka amniga ee dalkaasi.

style=”text-align: justify;”> Xilka taliyaha Booliska ee dalka Ethiopia ayaa Zeynu Jamal loo dhiibay June 06/2018, ka dib markii uu xilkaasi iska casilay taliyihii hore ee ciidamada booliska general Yared Zerihun oo isagu isu casilay caafimaad darro la soo deristay.

Ambassador Misganu Arga,  oo ahaan jiray safiirkii dalka Ethiopia u joogay  Qatar., ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga ee dalka Ethiopia ayaa hore loogu magacaabay in uu noqdo Fetlework Gebregziabher, hasayeeshee Misganu ayaa noqon doona Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Gacansiga, shaqaalaha iyo arrimaha blshadda.

Dr. Abdiwasa Abdilah Bade oo ah bare sare oo  wax ka dhiga jaamacadaha dalka Ethiopia, bixin jirayna cilmiga xidhiidhka calaamiga ah ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo wasiirul dawlaha wasaaradda sayniska iyo tacliinta sare.

Soomaalida ayaa ku leh Wasiirul Dawleyaashan cusub ee uu soo saaray Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Ali Hal Xil oo keli ah, hasayeeshee Golaha Wasiiradda ayaa waxa ugu jira Axmed Shide oo loo dhiibay Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah wasaaradaha ugu sareeya dalkaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS