BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynihii Hore ee DDSI Cabdi Illey oo Mar Kale Maxakamada La Hor keenay –
October 8, 2018 - Written by admin

Mar Kale ayay Maanta Xeer Ilaalinta Ku Taala Addis Ababa ay dhagaystay Dacwada Loo Haysto Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

cabdi illey

Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in mar kale la siiyo toban maalmood oo ay ku soo baadhayaan danbiga loo haysto Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa ay u noqonaysaa markii saddexaad ee la hor keeno Maxakamad, waxaana uu markii ugu danbaysay isaga iyo masuuliyiin kale oo la xidhani ay dalbadeen in loo ogolaado Salli nadiif ah oo ay ku tukadaan salaada, cuntooyin iyo waliba daawooyin ay qaadan jireen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS