BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Si Adag Uga Hadlay Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi
October 8, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo farogeliyay, kana hadlay dil gudaha qunsuliyadda Sacuudiga loogu geystay wariye caan oo Sacuudiyaan ah kaas oo mudo ka badan isbuuc la la`aa.

Erdogan ayaa sheegay in wariyaha maqan Jamal Khashoggi uu si fiican u garanayay islamarkaana uu rajeynayo in baadigoobkiisu kasoo boxo war natiijo wanaagsan, waxaana uu sheegay in ay baaritaan ku aadan arrintani ay bilaabeen.

erdogan

” – Waxaan baareynaa dhaq-dhaqaaqa qunsuliyadda iyo garoonka diyaaradaha si aan u ogaano waxa ku dhacay wariye Jamal Khashoggi”, ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wariyahan oo ahaa mid dhaleeceeyay dowladda Sacuudiga ayay dowladda Turkiga sheegtay in ay u badinayaan in ay dileen koox laga soo diray dalka Sacuudiga kuwaas oo qunsuliyadda ku dhex dilay islamarkaana meydkiisa ku qaaday baabuur madow.

Warkan ayaa imaanaya xilli ay dowladda Sacuudiga u ogolaatay hay`adaha ammaanka Turkiga in ay kasoo baaraan gudaha qunsuliyadda oo markii dad ugu wardambeysay uu wariyuhu galay.

Caddeymo la xiriira dilka ayay sheegeen in ay dowladda Turkigu hayso oo isugu jira video iyo dhaq-dhaqaaq kale oo wariyuhu sameeyey markii nolol ugu wardambeysay.

Jamal ayaa isagoo wariye kale la socda uu waraaqado cadeymo guur ka doontay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul halkaas oo uusan kasoo bixin marki uu galay.

Wariyihii la socday oo bannaanka lagu reebay ayaa sheegay in uu saacado badan bannaanka ku sugayay wariye Jamal Khashoggi balse uu soo bixi waayay, waxaana uu sheegay in laga dhigay taleefankii uu watay.

Dhanka dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay iyana sheegeysaa in wariye Jamal Khashoggi uu ka baxay qunsuliyada markii loo “dhammeeyay” adeegiisa la xiriiray warqado cadeymo ah oo guur ku saabsan maadaama uu mar dhow guursan rabay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS