BALIGUBADLE MEDIA
Maayirka Magaaladda London oo Boqorka guud ee bulshada gabooye ku qaabilay xafiiska.
October 20, 2018 - Written by editor

Boqor Axmed Ugaas Iman Warsame oo kamid ah Madax dhaqameedka dalka sidoo kalena ah Boqorka Gabooye oo ku sugan dalka UK gaar ahaan Magaaladdiisa London ayaa la kulmay Maayirka Magaaladaas kaas oo ku qaabilay xafiiskisa.

Boqorka oo lagu marti~qaaday barnaamijka caanka ah ee “Somali festival week” oo sannadkiiba hal mar lagu qabto london ayaa wuxu socdaal dheer ugu gaala bixi doonta dalalka yurub bartaas oo u kullamo kula yeelan doono bulshada uu boqorka u yahay.

boqor iman
Boqor Axmed ayaa kamid ah Sallaadinta ugu miisanka weyn gabooyaha isagoo lagu xasuusto halganki weyna ee xisbiga waddani xilligi ololaha doorashada

ee u hor kacayey isaga iyo Suldaan daakir oo ah Suldaanka guud ee Beel weynta Madhibaan.

Boqorka ayaa waxa u isla dalka UK xaflado waaweyn kala qeyb gali doonta xisbiga waddani bartaas oo u joogo guddoomiye cirro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS