BALIGUBADLE MEDIA
Kulan uu Soo Qabanqaabiyay Wakiilka Somaliland ee Nairobi oo ay Wada Yeesheen Sacad Cali Shire Iyo Aadan Barre Ducaale
October 26, 2018 - Written by editor

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Bare Ducaale.

nairobi bashe

Kulanka uu wasiirka arimaha dibada la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa waxa ku wehelinayey safiirka somaliland ee dalka Kenya Md Baashe Cumar.

Gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayuu ku sheegay in wasiirka arimaha dibada somaliland ay isla falanqeeyeen sida loo kordhin karo ganacsiga u dhaxeeya labada wadan, isku socodka labada shacab iyo in la taageero sidii ay shirkadaha laga leeyahay dalka Kenya ganacsi uga furan lahaayeen somaliland.

Wasiirka arimaha dibada somaliland ayaan ka hadal kulankan uu la qaatay gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

    
Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS