BALIGUBADLE MEDIA
Bini’aadanku Si Dabiici Ah Ayay Ula Qabsadeen Takoorka
October 16, 2018 - Written by admin

“Bini’aadanku si dabiici ah ayay ula qabsadeen takoorka, wuxuu bilaabmaa marka aynu raadino markii ugu horeysay ee muraayada”.

“No change can come if those who are impacted the most by discrimination are not willing to stand up for themselves”. (Zainab Zalbi).

Ka kaca meesha cid idinka kicin meyso’e oo qeyrkiin wax la qeybsada, Iskuulada gala oo camira oo wax is-bara, sunaha kawniga ah ee ilaahey dunidan u abuurey ayey ku jirtaa in qolona hooseyso qolona sareyso, Haa waa run, oo wada (Madax) la noqon maayo iyo wada (Taajir), oo kaaley madaxtinimada iyo taajirnimadu soo

kuwii ahaa wax fiican, Alle hadii uu awoodo inuu inaga wada dhigo wada madax muxuu inooga hagranayaa?!, hagrasho maaha’e macnuhu waxa weeyi si ay noloshu dhadhan u yeelato waa in mar walba cagsi jiraa, si aad taajirnimadaada aad u dareento uguna raaxeysato waa in uu jiraa fiqiir iyo mid kabaha kuu baalasheeyaa, hadii kale wax kasta oo taajir taajirnimadiisa ku fali lahaaba ma jireyso. 0+0=0 Taajir+Taajir=0.

Muhiimadu waa inaad ka dagaalanto uun inaad ahaato kan lagu awrkacsado, wax kasta oo dacaayad ah waa wax iska soo yaraan karaa amaba iska dhamaan karaa hadii aad adigu ka dhiidhisid, sidee ugu dhiidhisid, ma qori iyo dagaal, Maya’e, awooda qalinka (Power of pen), awooda afkaarta (Power of ideology) waxaan la hadlayaa dadka inta la takooro, jaanis weyn ayaad haystaan oo aad beri ku noqon kartaan laandheeraha laangaabku tuugsado.

Bouni Abdi Abeib.
Hargeisa Somaliland.
[email protected]

*************************

COMMENTS