BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Soomaaliya oo Isku Raacday ka Mid Noqoshada Axdiga Qaramadda Midoobay ee xuquuqda naafadda
September 21, 2018 - Written by admin

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxaa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

somali xukuu

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS