BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Horumarinta Jidadka oo Madaxda Axsaabta Muncaaradka Ku Eedeeyay Aqoon La’aan Xilli Umaddu Ka Wada Dhargsantahay Taariikhda Aqooneed ee Wasiirka !!!
September 17, 2018 - Written by admin

Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo axsaabta mucaaradka u soo jeediyeen nidaamka lagu bedalayo summada gaadiidka Somaliland.
cabdilaahi abokor
Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa waxa uu sheegay in aanay siyaasiyiinta xisbiyadda mucaaradka ahi aanay fahamsanay nidaamkan lagu bedalayo lambarada baabuurta, waxaana uu intaasi ku daray in Somaliland ay tahay dalka ugu jaban qiimaha summada gaadiidka. Waxaanu yidhi “Xeer la sameeyay sannadkii 2013-kii, qodobkiisa 48aad, faqradiisa 4aad, ayaa waajibinaya in la bedalo summada baabuurta Somaliland.

Ummadda Somaliland waxa aan u bayaaminayaa qof looma danaynayo ee dalka ayaa loo danaynayaa.”
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa

sheegay in arrintan ay u raaceen shuruucda iyo xeerarka dalka, waxaanu yidhi “Waxa uu xeerkaasi jidaynayaa shantii sannaba in gaadiidka dalka la tirakoobo. Waxa laga hadlayay qiimaha lambarka gaadiidka. Somaliland waa dalka ugu jaban caalamka ee lacagta laga qaado summada gaadiidka bariga Afrika.

Anaga oo danaynayna xaalada aynu ku jirno, waxa aanu ka dhignay qiimaha summadda gaadiidka 100 doollar in lagu bedalo taarikada cusub ee baabuurta.”

Wasiir Cabdillaahi Abokor waxa uu sheegay, siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka ah ee naqdiyay arrintan, in aanay fahansanayn oo ay aqoon darro ka hayso shuruucda iyo xeerarka dalka, waxaanu yidhi “Waxa aad moodaa in aanay fahamsanayn nidaamka PFM-ka ee ay ka hadlayaan iyo cida lacagta qaadaysa.

Lacagtan waxaa qaadaysa wasaarada horumarinta maaliyadda, wasiirkuna awood uma laha uu ku qaato lacagta, wasaarada horumarinta wadooyinka Somaliland-na wax lacag ah oo ay qaadaa majirto, waxaana aad moodaa dad aan aqoon lahayn oo xisbiyada ka mida ayaa waxa ay ka hadlayaan wax aanay aqoon u lahayn, waxaana aanu soo wadnaa caymiskii gaadiidka”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS