BALIGUBADLE MEDIA
Wasaarada caafimaadka jsl iyo wasaarada warfaafinta dalku waa in ay joojiyaan
September 21, 2018 - Written by admin

Dalkii hore ee somalia ganacsiga dalku waxa uu ahaa ganacsi  heshiis laba dawladood oo la hubo tayada badeecadahas  halka caanahu ay ahaayen 3 nooc anchor milk  coasta  nido  bariisku loan iyo basarce etc halka maanta

Xayaysiiska  caanaha samayska ah  oo aan loo baahnayn in la dhiiri galiyo  idaacadaha dalka  halka caafimaad ahaan ay ka  haboontahay in la dhiiri galiyo  naasnuujinta  oo ka faaido tayo caafimaad maskax jidh dhis difaac ilmaha   ilmaha  siinta caanaha samayska ah oo la ogaaday in aanay u fiicnayn ilmaha yar  fayaqabkiisa  kuwaas oo ku keeni kara cuduro  halis ah madaama aan la hubin tayadooda caafimaad

caanaha   milk  bowder  caanaha dalka somaalia  iman jiray waxay ahaayeen  caano sadex nooc oo kaliya coast nido  anchor spot in trading co   halka manta ay kor u dhaafeen 204 nooc oo caano ka kala yimaada aduunka caanahaas  coasta nido waxay ka iman jireen  dawlado aynu la leenahay heshiis ganacsi oo la hubo tayada caanaha ay soo dirayaan  caanahas waxay ahaayeen caano  toos looga soo lisay neefka lo ada  halka caanaha aduunka inooga yimaada lagu soo adkeeyo nooc ka mida jaandiga  samayskooda caafimaad
Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf ration  sharaabka daawoyinka dalka  dibada uga yimaada  si loola socdo hubinta isticmaal ee  badeecadahaas  dekadaha suuqyada  ganacsi
Dalkii hore ee somaaliya waxa iman jiray 3 nooc caano milk bowders oo  ku iman jiray nidaamsharci ganacsi laba dawladood oo si saxa loola socdo tayadooda caafimaad  iyo maadooyinka ay ka kooban yahiin oo ahaa international stander index
Waxa soo raaci jirey caano cartons ku iman jiray oo la odhan jiray caano bodh caanahas oo inta badan ahaa caanaha  hayadaha sida qaxootiyada

Maxaa caanaha loogu soo qori waayey magaca ganacsiga company caanaha  ee had iyo goor loogu soo qoraa magacyada haweenka soomaalida  jawaabtu waxay u egtahay  kalsooni la an company caanaha soo saaray oo aan lahayn shuruuc company caalamiya oo si fiican looga ogyahay suuqyada ganacsiga caalamka ta kale waxay noqon kartaa suuq galin ganacsi oo  laga raadinaayo haweenka qoysaska  oo ka masuul ah daryeelka caruurta qoyska iyo quudintooda  dhalaanka si iib fiican loogu helo caanahaas

Caanaha hada dalka yimaada oo aad u badan ganacsigooda  hadana inta badan  caanaha saxa waxa ay ka yimaadan dalalka imaaradka oo booyado aad u waawayn ay ka keenan dalka newseland holand etc  dalalka imaaradka ayaa dib loogu soo qasacadeeya inkasta oo caano badan oo aan lahayn la socod tixraac caafimaad laga keeno dalka  chine caanahas oo inta badan ah copy madaama aanu dalkeenu lahayn qalabkii lagula soconaayey  noocyada badeecada kasoo degaya dekedaha  dalka ama airport
Waqtigii dawladii hore ee soomalia  ganacsigu wuu xadidnaa inta badan  waxa uu ahaa ganacsi ku yimaada laba dawladeed  oo lala socdo noocyada tayadiisa caafimaad ma jirin ganacsigan hada jira ee ganacsade kasta uu keenayo dalka cunto xaaran iyo xalaal waxay tahay  ta kaliya ee ay hada ganacsatadu ka door bidaan danta  caafimadka  bulshadooda waa macash  raadin degdega ah
Muwaadin  ha cunin qaad aan la badhin  fayaqabkiisa  waxa u si fudud u sababi karaa dhimasho degdeg ah
‘’MUWAADIN INTUU QASHINKU KUU JIRO AYUU CUDURKU KU JIRAA’’
‘ ‘’ MUWAADIN XILBAA INAGA SAARAN DHAMMAAN ILAALINTA NADAAFADDA CAASIMADEENA’’
‘’ MUWAADIN HA ISTICMAALIN DAAWO AAN DHAKHTAR KUU QORIN’’
‘’ HOOYADU WAA IN AY SIISAA ILAMAHA NAASKA MARKA UU DHASHO ILAA UU GAADHAYO LABA SANNO, AYAA KU FILAN JIDH AHAANEED, MASKAX IYO CAAFIMAAD ’’
‘’ MUWAADIN HA ISTICMAALIN SHAY DHACAY AMA TAARIIKHDIISA LA BEDELAY SINABA

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
[email protected]

COMMENTS