BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Sideedii Sano Ee U Dambeeyey Waxaa Shaashadda La Isla Horfadhiyaa Wax Weyn Baa Qaldan –
September 10, 2018 - Written by admin

Haddaad shaashadda iyo midea ha dib u milicsato dadyawga Allah ku abuuray Dalka Somaliland 8dii sano ee u dambeeyey dildilaac weyn ayaa ka muuqda wadaninimadooda(Nationhood), (tri behood) koodana waxaa ku suntan oo si weyn uga muuqda is muujin iyo collaadu isa soo taraya oo kala safan qolo walba siyaasiyiinta oday, Salaadiinta Ida wax faradkooda. Anigana qaflad yaan laga fahmin fikirkayga oo weliba aanan wax cidna kaga Rabin oo aan degganay wadan aad uga fog Somaliland oo oo Somalilander ah oon ahayn qolyaha Jeegaanta la baxay, oon ahayn qolyaha Garxajis ee BUURTA fuulay oon ahayn Esse iyo Samaroon midna oo Sanaag Bari ahayn oon ka soo Jeedin Gobolkii

qaali a ahaa ee SOOL oo maanta I si daayoo jin iyo Insiba isku dilayaan oon Gabooyaha weligood ba dul an. Waxaan reer Somaliland aw idiin sheegayaa (caqliga-food-la indinkaga shubye) waxbaa soo socda waxaanaa taa ka markhaatiya haddaa dadka madaxda ah dib u milicsataan hadaladooda liiska leh wax qaldini ma jiraan waxaa u horeeya Xukuumadda Muse Biixi iyo siyaasiyiinta ugu horeeyey Boobe, Cali Gurey, Mohamed Xaashi, Cabdi Gaboobe, Ahmed Yussuf Yassin iyo Wasiiraddii Siilaanyo iyo Usaga qudhiisa, Suleiman Gaal iyo mushaahaaro illaashanaya oo dhan, Dhinaca kale siyaasiyiinta Wadani oo oo dhan ugu horeeyo BUU aa, Cirro, Cabdiqadir Jirde kuwa reer SOOL iyo Sanaag Bari Awdel Badankoodu waxgarad iyo Siyaasiyiin waxay iyana leeyihiin wax weyn baa qaldan oo wadaninimadii Somaliland hortaagan. Jabhada cusub ee COL. CAARRE E LAGU QULQULAYAA iyana waxay leedahay wadanka iyo ciidamada waxweyn baa qaldan. Marka intaa madaxda Somaliland isla horfadhido had iyo jeer runta jirtaaba agtaallo waxay arinka socdaba wuu (develop) garoobayaa maalinba maalinta ka dambaysa ARINKUNA WUXUU TAAGANYEY WAXAA JIRA WEYN OO QALDAN IYO QALDANIBA MA JIRAAN Xalku waa mindi caaradeed Bay himiladii Somaliland saarantay Dhinaca ay u dhacdaaba la eegayaa waqtiyada soo socda.

Haddaan taabto Xukuumadda Muse Biixi wax yar Bay jirtay oon weli SANNAD gaadhin in qiimaynteeda laga hordhacaana ma fiicna. Illaa hadda Muse ummadda AF ma caan wuu kula hadlaa oo ka duwan kii uu ku hadli jiray markuu kursiga ku soo ordayey, waxyaalo uu kaga wanaagsan yey Xukuumaddii uu ka xanuunsaday Madaxweyne SIILAANYO ee hunguriga ku dhisnayd waayo Madaxtooyadii xarunta caafimaad u eegaan jirtay madaxtooyo ayuu u ekaysiiyey, Haamihii la isu dhiibtay wuu soo celiyey lacagtii Madaarka ee nin accounkiisa ku dhici jirtay wuu la wareegay I kastaa uu weli ka daba tegin lacagtii Dawladda ee Wasaaraadda ku dhici lahayd ee account khaasa ku dhici jirtay. Waxyaalaha a wanaagsan ee Muse Biixi qabtay inuu dantiisa u qabanayo iyo inuu ummaddoo dhan u qabanayo waqtiga soo socda ayey kala caddaan ayaa. Markhaatiga dunidan ugu weyni waa waqtigan Allah ina soo raaciyey. Somalidu waxay tidhaa WAX JIRAABA CAKAARA. GALADUNA WAXAY TIDHAA’ IF THERE IS FACT SOON BE FOUND ‘ Wax kastoo imika qiiq inaga ga dhex jiro waqtiga soo socda way kala MEECAADI DOONAAN WAX KASTAA OO WANAAGGA IYO XUMAANTA XAGGA HOGAANKA KA JIRTAA WAY KALA CADDAAN. SOMALIDUNA WAXAANAY AQOON KU FILAN WELI U YEELAN QOF MARKA MADAXWEYNE AMA XAAKIM UMMAD LOOGA DHIGO SIDUU DOONABA HA KU YIMAADDEE CAYDAN LAGULA DEGDEGAA MA FIICNA.

MBashe (Meerkat)

[email protected]

COMMENTS