BALIGUBADLE MEDIA
Qalinjabinta Ardaydu Ma Qorshe La’aanbaa Sanad Walba Lagu Qaabila
September 1, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Ardayga Jaamacada Ka Qalin Jabiyay Aad Hirdanka Siyaasada Geeska Afrika Ku Sabaalaynso Miyaan Qorshe Uu Ku Hirto Iyo Himilo Fiican Oo Aad U Hilaadisay Midna Jirin ?

Ardayga jaamada ka qalin jabiyay ee intaas oo sano buuga iyo qalinka is dul hayay noloshana la soo halgamaayay himilooyin fog iyo hadafna lihi marka uu gaadho maalin ka mida maalmihii u ku naaloonaayay iyo hiigsiyadiisii mid ka mida maaha in madaxdu ay kala hadasho marxaladaa ama mawjadaha siyaasadeed ee yaga gubaa dareenkoodana ku soo gudbiso xaflad aan ahayn madal siyaasadeed

Sababta ugu weyn ee taa keenaysaa waxa weeye waxaan jirin qorshe ama cid ku hawlan

oo xil iska saartay jiilka soo kacaaya markaa waa gar in garaadkooda la marin habaabiyo

Loogana sheekeeyo waxaan khusaynba ileen cid wax ugu tala gashaan waana gar in yadoo geel la waraabinaayo in goroyo loo heesaa

Hashu Maankayga Gadaye Ma Maasaar Bay Liqday ?

Ma waxay barteenbaan aqoon ahayn ?

Ma madaxdoodaan qorshe u ahayn ?

Ma yagaan ku baraarugin kuwii ka horeeyay ?

Timaataba daalinbaa tusmooy jaah kuu xidhee

Dadyahow loo soo tashaday iyana sii kala tashaday

Intaa tashataan maruun xaqaa wali tabanaysaan

Inaa tilmaamataan miyaa ka takoorantihiin !!!

[email protected]

COMMENTS