BALIGUBADLE MEDIA
Ninka ugu taajirsan Dalweynaha Shiinaha & Dunida oo isagoo da`yar ka dagaya xilka sare ee Shirkadiisa Alibaba
September 10, 2018 - Written by admin

Ninka ugu taajirsan Dalweynaha Shiinaha & Dunida  oo isagoo da`yar ka dagaya xilka sare ee Shirkadiisa Alibaba+Sababta

Mid kamid ah ragga ugu hodonsan dalka Shiinaha, Jack Ma, ayaa maanta oo Isniin ah ka fadhiisanaya shaqada madaxa fulinta ee sharikadda wayn ee internetka ku ganacsata ee Alibaba, sida lagu qoray wargayska the New York Times.

alibaba

Waxa uu kasii mid ahaan doonaa golaha sare ee maamulka sharikadda Alibaba balse wuxuu xoogga saari doonaa dhanka samafalka ee ku aaddan waxbarashada.

Jack Ma ayaa sanadkii 1999 ku aas aasay qolyar oo uu daganaa shirkadda caanka baxday ee Alibaba, taas oo noqotay mid kamid ah sharikada ugu waaweyn dunida ee ku ganacsada internet-ka.

Mr. Ma ayaa ah ninka ugui taajirsan dalka Shiinaha, waxaana uu sidoo kale ka mid yahay shakhsiyaadka ugu maalka badan adduunka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS