BALIGUBADLE MEDIA
Marxuum Cigaal Isagoon Aqal Ka Qaadan Ayyu Hoydey Rayaalena Bqolkiiba Sodon ayu Fasaxey Siilaanyo Bqolkiiba 75 Ayuu Iska Hagaajiyey Muusena Ma Intii Hadheybuu Qiyaasanayaa –
September 6, 2018 - Written by admin

Mawduucaygan Waxaan kaga hadlayaa Tirakoobka Hantida Dawllada ee Xiligan uu Bilaabay Madaxweyne Biixi Waxaan arkayey dad badan oo hadalhaya oo Qof Waliba Dareen Gooniya ka qaatey, oo ay Siyaabo kala Duduwan usii kala tasfiirayaan Siday Doonto haba noqotee Waxaan jecelahay inaan Anigu ku Gunaanado Aragtidayda ka Maanta jooga iyo Hawshiisa Cusub ee Tirakoobka hantida Dawllada.

Haseyeeshee, Aan Marka hore Halkan ka Xuso kana Taariikheeyo Hantida Qaranka ee Dawlladu Leedahay Islamarkaana, ka dhexeeya umadda Somaliland(Lawada Leeyahey),iyo Wixii Soo kala Marey Madaxweynayaashii Talada dalka soo qabtey Inta Nool iyo Intii Hoyatey Labaddaba Allaha ha unaxariistii Madaxweynihii Marxuum Cigaal Waxa uu Geeriyoodey isagoo aan Aqal Kaliya

ka qaadan oo ay Wada Calaamadsan Yihiin xataa Guryaha Dawllada ee Shacabku ku jirey, oo qof Waliba oggaa xataa in uu Ka baxayo Marka Dawlladu u baahato ayaa qof Waliba ogaa Kuwaasi Waa Guryaha Dawllada Kuwa kale ee Ee Goobaha Cayiman ahina Warkoodaba Daa (Public Relations), lama Taabtaan ayey ahaayeen Waxaana ku Xigay Madaxweyne Daahir Rayaale oo isaguna Markii Gamacsatadii Khaayimiinta ahaa ay usoo gudbeen u Dhego Nuglaadey Sidaa darteedna Boqolkiiba Sodon(%30) ayuu Faasaxey hantidii Dawllada ee Umadu wada laheyd oo intooda baddani gacanta Dawllada kujireen .

Inkastoo Madaxweynihii Ka Dambeeyay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), Markii uu ololaha Ku Jirey uu Maalin iyo habeen balanqaadi jirey in uu Dabargeynayo, oo ka hortagayo oo joojinayo qaadashada iyo Xalaaleysiga Ganacsatada lagaga faasaxayo Hantida Dawllada ee lawada leeyahey Misena uu ilaalin doono hadii uu Talada qabto, haseyeeshee, taasi may dhicin oo Boqolkiiba Shan iyo Toddobaatan ayuu kaga faraxashey taas oo u dhiganta in uu isa sii hamba Raacshey oo aanu Waxba ka taggin isaga iyo Maamulkiisii Wada firfircoonaa.

Haddaan halkaa ku Dhaafo Odeyga anigoon u jeclayn in aan intaa Wax ku darro Miyaanay Su.aasha dhabta ahi aheyn Tirakoobkan Sida qaawan Looga Bilaabay Degmooyinka iyo Gobolada Dalku Ma umuuqataa in Madaxweyne Muuse Tirakoobkiisu Daaran yahey hubsashada wixii hadhey iyo Baadi doonka hambadii ku nabed gashey Degmooyinka iyo Gobolada Dalka ama ha isa sii kabo Raacsho ama haka hawleystee.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339

COMMENTS