BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Xaaf Oo Ka Hadlay Xil Qaadista Ay Ku Sameeyeen Baarlamaanka Galmudug
September 16, 2018 - Written by admin

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay galabta xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmugug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Axmed-Ducaale-Geele-Xaaf
Shirka waxa gudoominayay Cali Gacal Casir oo daraad koox kale oo Xildhibaano ah oo ku shiray Dhusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Hasa yeeshee madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo BBC la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday.
Waxa uu sheegay Mr Xaaf in xildhibaano aysan joogin Cadaado islamarkana Mr Cali Gacal Casir uusan ahayn gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmo ka hor xilka laga qaaday.

“Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin

tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Mr Xaaf.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS