BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Geele Iyo Dhigiisa Eritrea oo Lagu Kulan Siinayo Shirka IGAD oo La Filayo Inuu Addis Ababa Ka Furmo
September 11, 2018 - Written by admin

Waxa la filayaa inuu maanta Addis Ababa ka furmo shir madaxeedka IGAD, waxaana markii u horaysay si toos ah la isu horfadhiisinaya madaxweynayaasha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ereteriya Issias Afawerki.

djibouti and eritrea

Shirkan oo uu muddo dheer ka dib ka soo qayb galayo Madaxweynaha Ereteriya, waxa loogu wanqalayaa isfahamka nabadeed ee u bilaabmay Ereteriya iyo Djibouti, waxaana gacanta la isu saari doonaa labada madaxweyne ee labadan wadan oo sannado badan hawada isu marinayay weedho dagaal iyo hanjabaad ah oo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay isfahamka nabadeed ee Ereteriya iyo Djibouti oo ay ka shaqeeyeen dawladaha Sucuudiga iyo Itoobiya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS