BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Daba Dheeraaday oo Mudooyinkii U Dambeeyay Ka Dhex Aloosan Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland
September 8, 2018 - Written by admin

Khilaaf xoog leh  oo caqabad ku noqday habsami u socodkii shaqada Baanka dhexe ee Somaliland  ayaa la xaqiijiyey  in uu maalmihii u dambeeyey  ee toddobaadkii ina dhaafay soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareeya Baanka dhexe  gaar ahaan Guddoomiyaha Md Cali Ibraahim (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud Md Axmed Xasan Carwo.

baanka dhexe

Warkan oo ay jiritaankiisa noo xaqiijiyeen  ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Baanka dhexe waxa uu intaas ku daray in khilaafka iyo ismaandhaafka u dhexeeya labadan masuul bilaabmay ka dib markii Agaasimaha guud Baanku Hanti-dhawrka gudaha ee Baanka (Internal Audit-ka) ku amray in ay baadhitaanno ku sameeyaan qaar ka mid ah laamaha iyo

qaybaha kala duwan ee uu Baanka dhexe ka kooban yahay oo la sheegay in aan muddo aad u dheer lagu samaynin wax baadhitaan ah. Hase ahaatee waxaa Hanti-dhawrkii iyo baadhitaanadii uu samayn lahaaba is-hor taagay Guddoomiyaha Baanka Md Baqdaadi, kaasoo isla mar ahaantaana agaasimaha Guud ku wargeliyey in aanu jirin wax baadhitaan ah oo Hanti-dhawrku ku samayn karo qaybaha kala gedisan ee Baanka.

Waxaase sida la sheegay arintaas ka biyo diiday Agaasimaha Guud ee Baanka, kaas oo ku dooday in amrida baadhitaanada lagu samaynayo qaybaha Baanka iyo hawlgelinta Hanti-dhawrka gudaha ee Baankuba ay shaqadiisa yihiin, isla markaana ay khalad tahay in Gudoomiyuhu sabab la’aan u diido shaqadii Hanti-dhawrku qaban lahaa.

Ilo wareedyadani waxa kale oo ay intaas raaciyeen in khilaafka u dhexeeya labadan masuul sababay in xagal daac weyni ku yimaado adeegyadii kala duwanaa ee Baanka dhexe wadanka u hayey, maadaama aanay jirin wax wada shaqayn ah oo xiligan  ka dhaxaysa madaxda ugu saraysa hawl wadeenada Baankaasi. Iyada oo dhinaca kalena ilo wareedyadani noo xaqiijiyeen in aanay jirin wax shaqo joojin ah oo Gudoomiyaha Baanku ku sameeyey Agaasimaha Guud, isla markaana uu si caadiya Agaasimahu shaqadiisa u yimaado.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu khilaaf noocan oo kale ahi soo kala dhex galo masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Muuse biixi oo haatan jirtey wax sannad ka yar, waxaase jiray dhawr hay’adoodu sidan si la mid ah isu khilaafeen kuwaas oo ay  ugu dambeeyeen Wasaarada Warfaafinta iyo Qorshaynta Qaranka oo mid walba ay is khilaafeen Wasiirkeeda iyo Agaasimaheeda Guud. Waxaa la rumaysan yahay  in sababta ugu weyn ee keenta khilaafka masuuliyiinta hay’adaha dawladu  tahay mid la xidhiidha arimo musuq maasuq  iyo awood kala riixasho.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS