BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Cakiran oo Ka Dhex Qarxay Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaanka Sarre ee Xisbiga KULMIYE + Qodobo Xasaasi ah oo La Isku Hayo.
September 27, 2018 - Written by admin

Khilaaf Cakiran Ayaa Ka Dhex Qarxay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Hogaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Gaar Ahaan Xog-hayaha Golaha Dhexe Ee Xisbigaasi Jaamac Shabeel Iyo Xog-haya Guud Ee Xisbigaasi Xasan Siciid.

khilaafka kulmiye

Xogaha Aanu Ka Helayna Khilaafkani Ka Dhex Qarxay Hogaank Sare Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Madaxweyne Biixi ayaa Sheegaya In Arrimaha Laysku Seegay Ay Ka Mid Yihiin ,tabashooyin Ay Xubanahani Madaxwene Biixi Ula Tageen Oo Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Gacansaydh Iyo Wado Shaqayun La’aan Ay Istuseen Hogaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye Inay Kaga Timid Madaxweyne Biixi.

Sidoo Kale Xogaha Ayaa IntaasiKu Daraaya Inay Masuuliyiintani Ay Saluugen Masuuliyiinta Uu Madaxweyne Biixi U Qorsheeyey Inay Xisbiga KULMIYE Ugu Qayb Galaan Wadahalada Xisbiyada Qaranka Iyo Xukumada Ee Arinta Xal Uhelida Qabsoomida Doorashada Golayaasha Wakiilada Iyo Deeganka Oo Ubadan Golaha Wasiirada Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Xogahayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel Iyo Xog-haya Guud Ee Xisbigaasi Xasan Siciid Oo Ah Tiir Dhexaadka Xisbiga Kulmiye Ayaa La Sheegay Inay Masuuliyiintani Ay Cadho Kaga Maqan Yihiin Xisbiga KULMIYE

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS