BALIGUBADLE MEDIA
Isbedel Baahsan oo Ku Dhacay Siyaasadii Dawladda Federaalka Ethiopia ee Ku Aadanayd Somaliya
September 26, 2018 - Written by admin

Siyaasaddii Itoobiya ee Somalia ku wajahneyd oo isbeddel weyn uu ku yimid

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin Dawaar ayaa sheegay in siyaasaddii Ethiopia ee Soomaaliya ku wajahneyd uu is-beddel weyn ku yimid, islamarkaana Itoobiya ay markan ka go’an tahay nabadda Soomaaliya.

news1

Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Isbadal doonka ah Dr Abiy Ahmed waxaa si dhab ah is bedel ugu yimi siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii kala dhexeysay Soomaaliya, ayada oo labada dal ay aad isugu soo dhowaadeen.

Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ugu dhuun dhuleela siyaasadda mandiqadda Geeska Africa oo arintaas ka aragti dhiibaya ayaa beegsaday barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Farah Maalim@FarahMaalimM

Ethiopian Government policy towards Somalia has changed drastically. Dr Abiye believes the peace, unity & territorial integrity of Somalia is sacred. Dr Abiye & Afeworki will help Villa Somalia to eradicate AlShabaab & restore peace within months.Uhuru stand up to be counted too.

“Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahneyd Soomaaliya aad ayey isu bedeshay. Dr Abiy waxa uu aamiinsan yahay nabadd, midnimada iyo karaamada dhulka Soomaaliya in ay yihiin kuwa sharfan. Dr Abiy iyo Afwerki waxa ay Villa Somalia ka caawin doonaan si ay xididdada ugu siibi lahayd Al-Shabaab iyo sidii ay nabadda bilo gudohood ugu soo celin lahayd. Uhuru, sidoo kale istaag si laguugu tashado.”

Waxaa xusid mudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isaga oo talada haya muddo shan bilood ah, wali ma qaabilin hoggaamiye maamul gobolleed oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo cagsi ku ah siyaasaddii ku dhisneyd qeybi oo xukun ee ay caanka ku ahayd TPLF.

Arrintan ayaa timid, kaddib heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo dhigayey in labada dal ay ilaaliyaan madax banaanida midda kale.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS