BALIGUBADLE MEDIA
Ingiriiska oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Ethiopia + Baaqa uu U Dirayo Muwadiniintiisa Ku Nool
September 15, 2018 - Written by admin

Bayaan kasoo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynaya hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo la filaya in maanta ay soo gaaran dalka Itoobiya.

Dalka Britain ayaa muwaadinitiisa ku sugan dalka Itoobiya uga digay inay tagaan goobaha isu soo baxyada ay ka dhacayaan maanta islamarkaasna ay feejignaadaan.

UK

Shaqaalaha u dhashay UK ee dalkaasi joogo ayaa lagu la taliyay inaysan tegin fagaaraha Meskel ee ku yaalla magaalada Addis Ababa halkaaso maanta ay taageerayaasha Oromada ay munaasabad soo dhawayn ah ugu qabanayaan hoggaamiyeyaasha ururka OLF.

Deegannada digniinta laga soo saaray waxaa kamid ah, Deegaannada Akobo, Wantawo, Jikawo ,Lar, Nuer Jore

woreda oo ka tirsan maamulka Gambeelada.

sidoo kale waxa iyaguna ku jira deegaanadda kale ee digniinta laga soo saaray Nogob, Dhagaxbuur, Godey, Qoraxeey iyo Doolow oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

dhinaca kale waxaa kamid ah deeganno qaar ah oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka South Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa ay ka dhaceen rabshado kaddib markii ay isku gacan qaadeen taageerayaasha Jabhadda Oromada ee OLF iyo dhalinyaro ka soo horjeedda.

Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

Xigasho Bbcsomali

COMMENTS