BALIGUBADLE MEDIA
Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Oo Edeeyay Madaxwaynaha Somaliya – Hogaamiyaha
September 27, 2018 - Written by admin

ogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo wareeysi gaar ah siiyay Telefishanka Universal ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Aadan Barre ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay iyagu is heystaan halkii laga rabay in ay bulshada u shaqeeyaan, isagoo xusay in howsha hortaal ay tahay mid baaxad leh.
aadan bare
Ducaale ayaa sheegay in waagii baryaba shacab lagu laayo Soomaaliya ama gobollada, isagoo xusay in la xalaalsaday dhiigga shacabka“In Farmaajo iyo Maamullada gobollada is

heystaan habeen iyo maalin, In baarlamanka iyo dowladda is heystaan iyo waab kasta lagu laayo shacab, laba beri oo isku xigto oo nabad ay ka jirto magaalada Muqdsho hadda lama arko,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in madaxdu ka gaabiyeen shaqooyinkii ay ka sugeeysay Soomaalida, isagoo yiri “Fikaraddii weynayd ee la rabay in waddanka la dajiyo, in waddanka laga sifeeyo Xagjirka, in waddanka dib  loogu soo celiyo sharaftii uu mudnaa, fikraddaasi hadda way luntay, fikradda hadda waxay noqotay Soomaaliya in umaddii la iska horkeeno, afar sanana dowladda ay iska jirto, inay iyaga is qab-qabsadaan.”

Waxa uu sheegay in talo ahaan uu usoo jeedinayo Madaxweyne Farmaajo in uu ka roonaado maamullada gobollada, islamarkaana muujiyo dulqaad, isagoo xusay in sidoo kale madaxda maamullada uu kula talinayo in ay dowladda ixtiraamaan, lana shaqeeyaan, islamarkaana dhaqaalaha dowladda iyo ciidamada wax laga siiyo.

“Dowladda hadda Soomaaliya ka jirto iyo maamul goboleedyada umadda Soomaalida way ceebeeyeen, umadda Soomaalida waxa ay filayeen in ay kasoo baxaan way kasoo bixi waayeen, waa fikrad aniga ii gaar ah, ma ahan fikrad dowladda Kenya ay qabto,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Mudane Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay muujiyaan dulqaad badan gaar ahaan marka dowladda la dacaayadeeyo ama wax looga sheego warbaahinta.

“Ninkii dowladda wax ka sheego in berri la weeraro waa laga fiicanyahay, Soomaaliya waa in lagu dhiso nidaam xisbiyo ah, waa in loo ogolaado xisbiyada in ay soo kacaan, xisbiyadaa in aan lagu dhisin qabiil oo lagu dhiso wadaniyad.

Hadalka masuulkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo dolwadda goboleedyada, kaa oo keenay in madaxda dowlad goboleedyadu ay hakiyaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS