BALIGUBADLE MEDIA
Guddiga Midowga Africa soo dhaweeyay wadahallada u bilaawday Jabuuti iyo Eritrea
September 8, 2018 - Written by admin

Guddiga midowga Africa ee [AUC] ayaa soo dhaweeyay wadahadallada hor dhaca ah ee dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo ay gar-wadeenka ka yihiin dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

midawga afrika

Madaxada guddiga AUC Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in bayaanka wada jirka ah oo ay kala saxiixdeen hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea iyo dib u soo celinta xidhiidhkii Jabuuti iyo Eritrea la oran karo waa tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabada iyo xisiloonida gobolka.

“Waxaan amaanaya hoggaamiyeyaasha Jabuuti, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya dhiiri galintooda ku aaadan nabada iyo wada jirka dadka ku dhaqan gobolka,” ayuu yiri Faki.

Itoobiya iyo Erirea ayaa horay heshiis uga gaaray colaad soo soctay muddo ka badan 20 sano oo ay ku dhinteen dad kor dhaafaya 80,000 oo kala tirsanaa labada dal, kaddib markii uu go’aankan nabada uu qaatay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 Eritrea waxaa saarnaa cunaqabteyn dhinaca hubka ah ay soo rogtay Qaramada Midoobey iyada oo lagu eedeeyay taageero siiso Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS