BALIGUBADLE MEDIA
Duur oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Qabyaaladda Ka Taagan Somaliland Iyo Isbedeladda Mandaqadda Geeska Afrika
September 9, 2018 - Written by admin

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay isbadalada ka socda Geeska Afrika.

Siyaasi Duur oo hadal ka jeedinayey xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka waramay dhibaatada ay somaliland kala kulmay qabyaalada isaga oo xusay in qabyaalada ugu weyni ay hada dhex taalo somaliland.

duur(9)

Siyaasi Duur oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada Geeska Afrika ka socda ayaa waxa uu yidhhi “Aduunyada waxa maanta ka socda oo dhami waa cibro iyo casharo, Geeska Afrika  isbadalo badan ayaa ka dhacay, wixii colaad taalayna waa la soo afjaray, itoobiya wixii

kala qaybsanaa ee qoomiyado iyo diimo, boqolkaas milyan dhibtii taalay waa la soo afjaray, Eritrea tii u dhaxaysay waa la soo afjaray, colaadii Eritrea iyo Djibouti u dhaxaysayna waa socotaa oo waa la wadaa.”

Siyaasi Duur oo hadalkiisi sii wata ayaa soo bandhigay hal dhibaato oo aan wali laga xalin Geeska Afrika  waxaanu yidhi “Geeska Afrika hal colaad ayaa taala oo aan la soo afjarin taas oo gurmad iyo cid u baahan waa qabyaalada soomaalida, dhibtii kale oo dhan waa la xaliyey, waxa kaliya  ee aan la xalin waa qaybsanida iyo qabyaalada macno darada ku salaysan ee soomaalida, qabyaalada soomaalidana markii aan eegay 70% waxay taalaa soomaliland, bulshada kalana 30% ayey dhex taalaa”

Siyaasi Duur ayaa sidoo kale ka hadlay heerka ay taagan kala qaybsanaanta bulshada somaliland waxaanu yidhi “Qof dumar ah oo xamar ka timid oo somaliland u dhalatay ayaa xalay iiga waramaysay waxay tidhi halkaas kala qaybsani maba taalee qof waliba wuu iska ordayaa, waxaan ogahay somaliland qaybsanida ugu weyn ee qabyaalada jirta ah ayaa taala, aad ayey nasiib daro weyn u tahay, waxaynu u baahanahay cidii inala xalin lahayd dhibaatadaas ee inagala shaqayn lahayd.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS