BALIGUBADLE MEDIA
Dhaqanka Guurka Soomaalida -
September 30, 2018 - Written by editor

Run ahaantii guurku waa dhaqan soo jireen ah oo ay wadaagaan dhammaan ummadaha ku nool kawnkan ballaadhan eee aynu ku nool nahay. Bulsho kastaana waxaa ay leedahay habdhaqan iyo caadooyin u gaar ah oo ku slaysan dhaqankooda, diintooda iyo caadooyinkooda.

Haddii aynu is nidhaahno kusoo kooba qoraal kama gayoonayno, iska daaye kan soo maalida dhexdeeda ayaa kala duwan oo aan iskumid ahayn inkastoo soomaalidu yihiin dad muslimiin ah haddana xagga guurka waxaa uu xidhiidh la leeyaahy caadooyin iyo dhaqammo lagasoo gaadhay dadkii hore ee soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay aad iyo aad u qaddariyaan guurka wuxuuna leeyahay dhexdooda maamuus u gaar ah iyo qaddarin.

Guurka soomaalidu waxbadan bay kaga hadleen qaybaha kala duwan ee suugaanta waxaana si waafi ah loo yaqaan Hees,Gabayo,Maah-Maaho iyo Hal-kudhigyo lagaga hadlay guurka.

Soomaalidu inta badan guurka waxa ay ku saleeyaan caadooyin iyo dhaqan, tusaale ahaan ninka gabadh guursanaya marka uu gabadha baranayo wuxuu raadinaya taariikhda iyo halka ay kasoo jeedaan reerka ay gabadhaasi ka dhalatay, waxaana la is odhan karaa taani waa sunnaha guurka waxaana daliil u ah Maah-maahda Caanka noqotay ee “Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa”.

sidoo kalena gabadhu taas waa ay samaysaa oo waxa ay u eegaysaa reerkaas imisa jeer ayaa ay reerkiinna dhexmaraty taariikh guur? Imisa gabdhood baa reerkaasi idinka guursaday? Imisaa fashilmay? Imisaa guulaystay? IWM.

Iskusoo wada duuboo Ragga iyo Dumarku waa ay ka siman yihiin dabagalka taariikhda guur ee dhexmaraty reerka ay kasoo jeeddo gabadhu iyo reerka Ninku kasoo jeedo.

Intaa marka laga yimaaddo waxaa jira dad isu guursada ama damac guur isu galo iyagoo kasoo kala jeeda laba Haybood (Qabiil) oo ayna dhexmarin wax taariih guur ahi, kuwaasi inta badan kuma guulaysataan inay ka dhabeeyaan riyadooda cadaadis kaga yimaadda dadkooda iyo kalsooni darro soo dhexgasha oo uu qofku u qaadan waayo ama ay wax adag ku noqoto inuu aamini karo qof ayna haba yaraatee wax xidhiidh  guur ahi dhex marin Haybtiisa iyo haybta uu kasoo jeedo awgii  una arko qof ku dheelaya oo raba inuu waqtigiisa ka lumiyo.

Sannadahan dambe waxaa soo badanaya in caadooyinkaasi aad mooddo inay meesha kasii yara baxayaan, waxaadna arkaysa iyagoo gabdho soomaali ah ay guursanayaan rag kasoo jeeda Hayb(qabiil) ka baxsan soomaalida, halka sidaa si la midana la arkayo rag soomaali ah oo guursanaya Dumar aan soomaali ahyn.  Waxaa lagu sababeeyaa burburka dalka ka jira iyo dawlad xumada soo jiitantay muddada dheer. Marka tan laga yimaaddo waxaa weli sii jira haybsoocii soomalida dhexdeeeda oo dhawaanahan ay aad loogu hadal hayey baraha bulshada dhacdadadii ka dhacday Muqdisho ee sababtay in la gubo ninkii adeerka u aha wiil jeclaaday gabadh ay kasoo kala jeedaan laba qabiil oo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee caadooyinkan guurka waxaa jira kuwo wanaagsan iyo kuwo aan wanaagsanayn oo qabiil iyo nacayb ku dhisan, waxayna burbur u keeni karaan labada qof ee isjecel oo ay ku adagtahay inuu usoo bandhigo jacayl qof kasoo jeeda beel kale nin iyo gabadh kuu doono ha noqdee, waxaa kale oo ay caadooyinkaasi caqabad ku yihiin dad iyagu si shakhsiyan ah isu raba waxayna ku keentay inaysan is guur sankarin sababtoo ah dagaal af iyo addin ahba waa lagu qaadayaa.

Ugu dambayntii waxaa maskaxdayda ku wareegaya laba (2) su’aalood oo kala ah.

·       Soomaalida oo waqtigan xaalkeedu halka uu marayo aynu oganahay waxaa ay ubaahan tahay is beddel bulsho ee haddii wax laga beddelo ama laga tanaasuso caadooyinka guurka qaar, ma iman karaa wax is beddel bulsheed ahi?

·       Soomaalida waxaa aafeeyey qabaa’il iyo reer hebel haddii is dhexgal bulsho la sameeyo meesha ma ka bixi karaa qabiilaysiga iyo gobolaysigu?

W/Q ; Cabdi Maxmed Cabdilaahi                                                                                                                                                         Email:[email protected]

COMMENTS