BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Djabouti Oo La Wareegtay Dekedii Ay Maal Gelisay Shirkadda DP World
September 11, 2018 - Written by editor

Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay in aanay suurto ahayn  in shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale.

Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha September soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto.

dooraale dpworld.png
Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay

Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”.

Dowladda Jabuuti ayaa

waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.
Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD.

Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

BBCSOMALI

COMMENTS