BALIGUBADLE MEDIA
Dablay Hubaysan oo Hargaysa Ka Afduubtay Gaadhi Ay Leedahay Mid Kamid Ah Shirkadaha Gaarka Looleeyahay.
September 6, 2018 - Written by admin

Gaadhi Waaraad ah oo ay Lahayd Shirkadda Ganacsiga ee OOMAAR Company (OMINCO) oo badeecad xamuul ah u qaadayay Magaalada Burco kana baxayay Magaalada Hargeysa ayaa xalay Fiidkii Abbaaro Salaaddii Maqrib kadib waxa koox dablay ah oo hubaysani ay ka afduubteen Agagaarka Huteel KAAH, Xaafadda New Hargeysa ee  Magaalada Hargeysa.

ominco

Af-duubka gaadhigan oo aanu kala xidhiidhnay Masuul ka tirsan shirkadda Oomaar ayaa noo xaqiijiyey in gaadhigaasi Abbaaro Salaaddii Maqrib kadib ay koox aanay wali aqoonsani ka dhaceen Agagaarka Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa iyada oo uu wakhtigaasi gaadhiga la joogay Kirishboyga gaadhigu darawalkuna ka maqnaa isuna diyaariyay safar uu xamuul ugu siday Magaalada Burco

ee Gobolka Togdheer.

Qaabkee falkani u dhacay?

Masuulka shirkadda ka tirsan ee aannu arrinka gaadhiga xalay wax ka waydiinay waxa uu noo sheegay in shan nin oo hubaysan oo mid ka mid ahi xidhnaa dirayska ciidamadu sida ay dadkii goob-joogga ahaa u sheegeen ay u yimaaddeen inanka geerashboyga ah kadibna ay hanjabaad ku bilaabeen iyaga oo ku yidhi Kac waryaa, furaha gaadhiga keen kiisbaa ku soo galay oo saldhigga ayaannu ku gaynaynaaye” kadibna uu sidaa ku raacay yarkii geerashboyga ahaa oo ay ku kaxaysteen. Isla markiiba kooxdii dablayda ahayd waxa ay gaadhigii afka u saareen dhinaca Koonfur Bari ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo ay wiilkii dhallinyarada ahaa ee geerash-boyga ahaa kaga dajiyeen intii aanu magaalada ka bixin. Warkani waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamo booliska ka tirsani markiiba ka daba baxeen gaadhiga afduubka loo gaystay kuna raad joogeen illaa deegaanka Bandar Wanaag oo la sheegay in ay kooxdu la sii socotay gaadhiga.

Gaadhiga lala baxsaday ayaa nambarkiisu ahaa 17560, kaasi oo siday qalab dhisme sidoo kalena ay ku taallay astaanta shirkadda Oomaar. Illaa imika lama oga sababta gaadhigan loola tagay iyo cidda falkan gaysatay toona iyada oo wararka qaar xilli dambe soo dhacay sheegayeen in ciidamadii gurmadka ahaa gaadhiga soo qabteen.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii ay gaadheen kooxda dablayda ah ee gaadhiga afduubay waxa goob xidh ah oo keyn ah ku dhex maray is rasaasayn taasi oo keentay in kooxdii dablayda ahayd ay firdhadaan kadibna ciidamadu sidaasi kaga soo reebaan gaadhigii ay afduubeen kooxda dablayda ahi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS