BALIGUBADLE MEDIA
Burcooy Shoow Ma Quusatid….W/Q Ciise Shiine Xaashi
September 7, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Muuse Biixi waxa hore looga hayey Huuno Huuno Dooratey. Calashaan Deegaanada Galbeedka in laga doortey oo uu u maqan yahay ayuu sheegay. Muuse Biixi Dadka qaar waxay u doorteen inuu Noqdo Madaxweyne Qaarkale oo u dhoow kuna kalsoon yahayna waxay u doorteen inuu Noqdo Maalqabeen hantida umada ka taajira. Burcooy Adiga uumbaa u haysta inuu Madaxweyne kuu yahay ee isaga waxay tahay ujeedkiisu sideed dalkan uga heshaa Maal uu kuu sahlayo Kursigani. Dhamaan deegaanada loo sheego in Maal badani uga soo baxayo

wuu tego doonaa si uu u tuso inuu barbar taagan yahay kuwa kale ee ka cagajiidayana wuxuu tusi doonaa inaanu u baahney.
Warar lagu kalsoon yahay waxay ii sheegeen inuu Sabtida damacsan yahay inuu tago Gobolka Barwaaqadaa ee SANAAG in se uu is bedeli alaa og. Horeba reer Ceel afweyn waakii uga baxay Balanka.

COMMENTS