BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaano Ka Tirsan Golleyaasha Guurtida Iyo Wakiillada oo Ka Hadlay Sun Lagu Aasay Dekedda Berbera
August 12, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada, iyo Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida ayaa si adag uga hadlay sun la sheegay in lagu aasay Dekeda Berbera iyo halista ka dhalan karta.

news
Warka XildhibaannadaGuddoomiyaha Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Warsame Jaamac, ayaa ugu horreyn sheegay inay hayaan caddaymo ku filan oo sheegaya in sun lagu aasay dekeda Berbera, isla markaana ay halis ugu jiraan dadweynuhu.

Xildhibaan Siciid oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Sawiro laga soo duubay suntaasi oo la aasayo ayaan hayaa, iyo marqaatiyada nooca suntu ay tahay, arrintaasi way dhacday, inkastoo aanan goobtii tegin, haddana markaan arkay sawirada iyo caddaymaha lay soo diray iyo xogogaalka aan wareystay, arrintaasi wax dhacay ayey u eegtahay, haddii ay dhacdayna waa dambi laga galay aadmiga”. Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray, “Sida ugu dhaqsaha badan ayaanu u tegaynaa goobta, marka aanu tegnana waxaanu ka soo saari doonaa go’aan cad, sida la ii sheegay suntaasi waxay aheyd tii hore ugu qaraxday Dekeda, waxan laga hadlayaana waa hadhaageedii, suntana xeerarka caalamiga ah iyo kuweenu ba waxay sheegayaan inay tahay dambi dadka laga galay oo cid na iskuma saamaxayso oo shirkadii keentay iyo cidda ku aastay ba waxay aheyd in la baadho dambiga inta aan la aasin, oo dekeda ayaa khatar gashay, ilaa immika dawladeena iyo Dp-world waxaan u mallaynayaa in aanay ka wada hadal badbaadada iyo waxa soo degi kara, meesha lagu aasay ayaa ah meel aad u fool xun oo aan macquul aheyn oo markay hoos u degto kalluunka ayey waxyeelaynaysaa, arrintaasi haddii ay ku caddaatona kaga hadhi mayno sharciga dalka ee waxaanu la tiigsan doonaa sharciyada caalamiga ah”. Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame Jaamac

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Guddiga Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida Xildhibaan Maxamed X Cabdiraxmaan ayaa isaguna ka hadlay suntan la sheegay in lagu aasay Dekeda Berbera, iyo golle ahaan waxa uga qorshaysan, waxaanu yidhi “Wax badan oo aanu kala soconey iyo wax aanaan ogeyn ba way dhacayaan, waxaynu ognahay waxa laysku hayaa waxa weeyi mar iyo laba jeer ayaa dekeda Qarax ka dhacay, waxaana sabab u ahaa uun Kiimikooyinkaa la dhigay Koontiinarada meesha yaalla, markaa Dekedu waa hantideenii u weyneyd, waana meeshii ay wax inoo soo marayeen ilaa dhuunigeena, Qarankana cid ayaa masuul inooga ah, waxaana jooga dawlad heer Degmo iyo Gobol iyo Maamulkii Dekeda, iyo waliba Shaqaale weynihii xilligaasi, dabcan wax baa gubtay wixii gubtayna dhulka wuu ku daatay, sidee loo maamuleyna baadhitaan ayey u baahantahay”. Xildhibaan Maxamed waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Kolley annagu (Guurti) in aanu xogtaa baadidoono ayey u baahantahay, oo aanu tegno oo xogogaal u noqono inta aanaan warbixin ka bixin ayey u baahantahay, wax aanaan xog haggaagsan u hayna kama war bixin karno oo in la hubsado ayey u baahantahay, sidee loo maareeyey suntii dhulka ku firidhay ayey u baahantahay, markaa Maareeyaha Dekedu wuu sheegay inay baadhitaan sameynayo, markaa waa la qiimaynaa in arrintaasi saameynta dhibaato ee ay ku leedahay deegaanka iyo inay ka daba teg ama ka hor teg leedahay haddii kale waa in bulshada loo soo bandhigaa waxay tahay” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed X Cabdiraxmaan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS