BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Ka Tirsan Midawga Yurub Oo La Hor Dhigay Warbixin Ka Dhan Ah Somaliland Iyo Beelaha Gabooye Oo Ay Xaaladooda Soo Bandhigtay
August 15, 2018 - Written by admin

Ururka  u dooda xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Somali Minority Womens and Children oo ka dhisan wadanka Sweden ayaa soo bandhigay natiijada kulan ay la qaateen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Sweden iyo wasiir ka socday midawga Yurub.

Gudoomiyaha ururkaasi…. Dr Kamaal Cashuur ayaa Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyey war murtiyeedka ay ka soo saareen kulamadii ay la qaateen xubnahaasi, waxaanu warkaasi u dhignaa sidan:-

Haddii aanu nahay masuuliyiinta ururka Somali Minority Womens and Children waxaanu kulan saacado badan qaatay la yeelanay laba xubnood oo kala ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden iyo wasiir ka tirsan midawga


Yurub.

Kulankan ayaanu la yeelanay masuuliyiinta ayaa ka dhashay ka dib markii aanu hore ugu gudbinay warbixin la xidhiidha tacadiyada lagula kaco dadka laga tirada badan yahay ee ku nool guud ahaan somaliland, taas oo aanu u gudbinay midawga yurub iyo dawlada, iyada oo wasiirka ka tirsan midawga yurub ay naga soo codsatay inay kulan fool ka fool ah nala yeelato.

Markii aanu la kulanay waxaanu siinay warbixin ku saabsan beelaha Gabooye ee degan somaliland, warbixintaasi waxay iskugu jirtay shan qodob oo kala ah.

  1. Dulmiga iyo tacadiyada lagu hayo shacabka gabooye ee dagan somaliland, 16 kii sanadood ugu danbeeyay taas oo aanu u bandhignay  sawiro iyo Muuqaalo cadaymo ah oo runtii aad ay uga argagaxeen iyo sidii midowga yurub uu wax uga qaban laha arintaasi 

2- inaanay jirin  wax saami siyaasadeed ah oo beelaha madhibaan ay ku haystaan somaliland taasi oo ay ka mid tahay dulmiga siyaasadeed ee xukuumadu ku hayso beelaha gabooye gaar ahaan beesha madhibaan iyada oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

3- Waxaanu u cadaynay in mashaariicda laga maal galiyo Sanduuqa dhaqaalaha ee baanka aduunku siiyo somaliland  in aanay waxba ka soo gaadhin beelaha Gabooye, iyada oo deegaanada beelaha Gabooye ay deegaanka ku yihiin aan waxba laga gaadhsiin mashaariicda horu marineed, waxaanan u cadaynay in xaafadaha beelaha Gabooye aanay lahayn adeegyadii muhiim ahaa sida wadooyinka, goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale biyo ay cabaan, iyada oo ay dadkuna ka cabaan Baliga Daami oo aan lahayn biyo nadiif ah iyo daryeel ay dawladu ku samayso.

4- Waxaanu u sheegnay inay jiraan tacadiyo loo gaysto siyaasiyiinta beelaha Gabooye ama beelaha Madhibaan iyada oo loo adeegsanayo dad shacab ah oo hubaysan kuwaas oo jidh dil u gaysta iyo in madax dhaqameedka beelaha ay xukuumadu iskugu darto xadhig iyo cago juglayn joogto ah

5- Waxaanu gaadhsiinay in dhinaca garsoorka somaliland aanay wax cadaalad ah ka helin beelaha Gabooye haddii ay yimaadaan isku dhacyo ka dhex dhaca beelaha Gabooye iyo bulshooyinka kale, iyada oo inta badan shacabka beelaha Gabooye ay ku mutaystaan xukuno  kala duwan garsoor la,aan soo food saarta iyo iyaga oo aan helin garyaqaano u dooda xuquuqdooda, waxaanay inta badan dhibaato kala kulmaan is dhex galka bulshada iyada oo la takooro iyada oo aanay jirin ururo xuquuqal iinsaanka ka shaqeeya oo arimahan ka hadli karaa

Warbixintan aanu siinay ka dib waxay wasiirkani balanqaday inay warbixintan hor dhigi doonto golaha midawga yurub iyo sidoo kale wadamada ka tirsan midawga yurub ee somaliland dhaqaalaha lagu hagaajiyo sanduuqa horu marinta ee loo yaqaano SDF, waxaanay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay kulanka aanu la qaadanay.

 

Isha Ku Hay baligubadlemedia

COMMENTS