BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Ugaaska Guud ee Beelaha Arab Iyo Mujaahid Axmed Mire oo Gurigiisa Ku Booqday Siyaasi Cali Sandule oo Xaalad Caafimaad U Jiifa
August 26, 2018 - Written by admin

ugaaska guud ee beelaha arab iyo mujaahid axmed mire maxamed ayaa maanta gurigiisa ku bookhday siyaasi cali sandule oo mudooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u iifay guriga uu ka daganyahay magaaladda hargeysa

ugaas and mire1

ugaaska iyo mujaahidka ayaa siyaasi cali sandule u bandhigay inaanu helin xaqii iyo abaalkii uu ku lahaa dalkiisa islamarkaana aad uga xunyihiin in xaaladda uu ku suganyahay

mujaahidka iyo ugaaska ayaa ilaahay uga baryay cali sandule inuu xanuunka ka dul qaado waxaanay sheegeen inay ayaan darro dawladda dalka ka jirta ku tahay in cabdi wali gaas uga soo dheereeyo islamarkaana uu u balan qaado inuu dhakhtar caafimaad gaynayo cali sandule halka ay ahayd in dawladda dalka ka jirtaa xil gaar ah iska saarto xaaladda caafimaad ee siyaasigan dalka taariikhda faca wayn ku leh

todobaadkii waxa cali sandule gurigiisa ku booqday madaxwayne siilaanyo iyo xildhibaan nacnac waxaana wali is adkaynaya Kornaylkii dalka madaxwaynihiisa sheeganayay kaas oo aan ilaa hadda garanayn macnaha masuuliyadda loo igmaday.

ugaas and mire3

isku soo wada duuboo kharash xukuumadda somaliland ugu tala gashay horaantii sanadkan inay dhakhtar dibadeed ku gayso siyaasi cali sandule ayaa waxa si badheedha oo naxariis darro ku jirto ku hor istaagay muuse biixi oo sheegay in la hakiyo kharashkaas xukuumadiisuna aanay wax kharash ah ka bixinayn cali sandule oo uu sheegay inuu xukuumadiisa muncaarad ku yahay

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS