BALIGUBADLE MEDIA
Taariikhda Musuqa Somaliland
August 28, 2018 - Written by admin

28/8/018

Taariikhda musuqa ee dal kasta oo caalmka ka tirsan  ,waa mid daakhaliya  (local)  ah iyo mid caalamiya .( international)l .badanaana musuqa gudaha waxaa lagu eedeeyaa ,shirkada gaarrka looleeyahay ,hayadaha maaliyada .haydaha maamulka,baayacmushtariga  .iygoo umaraaya laaluush ( bribery)  wastayn ,nacamlayn,qaraabo kiil , iyo eex,(nepotism ) kuwaas oo aan layn waqti iyo maalin iyo sand ugaar  ah oo loo calaamadiyey, oo ku xusan taariikhda dalalkaas,

Laakiin musuqa caalamigaa waxaa ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ka saxeexday dowladha caalamka heshiis caalamiya bishii (October 2003) kaas oo loogu yeedhay heshiiska la dagaalanka musuqmaasuqa caalmka ,waxayna dowladahaasi saxeexeen mucaahado iyo

qodobo waxlaga qabanaayo musuqmaasuqa  iyo wax kasta oo ku tacluqa wax ka qabashada musuqa ,

Laakiin sandkii 1993 kii aya dalka jarmalka waxaa ka aasasmay  hayad  madx banana oo isku taagtay, ladagaalmka musuqa ee casrigaa ,dadaalkaasi wuu guulaystay isgoo garbaha  uu ku  duulayey  ahaayeen warbaahinta ( media ) ,oo nooc walba leh,

Kuwaas oo qorayey ,kumaa xaday,muxuu uxaday,kuma ayaa utoostoosyey , imisa ayuu labaxsaday imisa ayuu qarsaday, iyo waxii lamid ah ee macluumaada ah, casirigan cusubna umadahu waxay jecel yahiin in ay dhegahoogu maqlaan in ay dowladahu dagaal cir iyo dhul ah ku qaadaan musuqa, tasina waxay faaiido u leedahay umdaha inay ogaadaan heerka uu marayo musuqa dalkoodu, iyo darajada uu gaadhsiisan yahay.

Imisa ayeynu maqalnay dalalka mandaqada oo kudadaalaya dagaalka musuqa ,laakiin aan wax sidaas ubuuran ka gaadhin, oo  macluumaad badana   danbabasaya, iyagoo ka baqaya in dadwaynu ogaadaan fadeexadaas.

Gabo gabadii

Waxaa la odhan karaa tariikhda  Somaliland ee musuqu goormay  kashifantay ama bilaabantay , oo warbixin kahadlaysa  uu barlamaanku  Somaliland dhagaystay .waxaa la odhan karaa waa malintii gudiga  ilaalinta hantida  maatida  barlamaanka ka hor akhriyeyeen warbixintoodii , musuqii ay gashay dowladii  maxamed axmed SIIRAANYO,iyo dowladii kulmiye , waa maalin lagu calaamadin karo taariikhda musuq ee Somaliland , waayo  dadwaynahu ismay lahayba  maxamed axmed  siiraayo ayaa dowladiisu  ayuu  musuqu gaaadhi doonaa ,heerkaa,run ahaantiina  anigu marumaysnayn in  uu xanuun hayey ee waxay ahayd tolkaa sare uqaad, wayna ka midaysnaayeen,

By: khadar adam aw muuse

[email protected]

COMMENTS