BALIGUBADLE MEDIA
Qaar ka mida Madaxda Sirdoonka Dalalka Carabta oo Ku Qulqulaya Caasimadda Somaliya ee Muqdisho
August 27, 2018 - Written by admin

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ku sugan yihiin wufuud ka kala socta Sirdoonka dalalka Sudan iyo Qadar.

Wufuudan ayaa la soo sheegayaa inay ka tirsan yihiin Sirdoonka dowladahaasi waxa ayna kulamo la qaadanayan madaxda Qaranka iyo kuwa Hay’adda Sirdoonka Somalia.

sirdoonka carabta

Wafdiga Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inuu horboodayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed (Saleh Gosh), halka Sirdoonka Qadar ay yihiin khubaro ka socda Hay’adda Sirdoonka dalkaas.

Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh,waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Somalia Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somalia ayaa lagu xaqiijiyay imaanshaha madaxa Sirdoonka Dalka Sudan.

Khubarada Sirdoonka Qadar oo kasoo horeeyay kuwa Sudan ayaa iyaguna la xaqiijiyay inay la kulmeen dhigooda Somalia oo ay kala hadleen wada shaqeyn dhexmari doonto labada Sirdoon.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan isbedel ku sameysay maamulka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia, taa oo ugu wacan qulqulka Sirdoonka Dowladaha Carabta oo iyagu u muuqda kuwo heysta fursado wada shaqeen.

Ma cadda qorshaha Sirdoon ee labada dal, waxaase soo baxaaya warar sheegaya in Sirdoonka Qadar ay la wareegi doonaan mushaaraadka Hay’adda NISA ee Somalia, halka Sudan ay caawin doonto Somalia.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS