BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu Daarnaa Kulankii Xasaasi ah oo Ay Hargeysa Ku Yeesheen Madaxwayne Siilaanyo Beeshiisa Iyo Madaxwayne Biixi
August 19, 2018 - Written by admin

kulan albaabadu u xidhanyihiin ayaa habeenkii sabtida ee todobaadkan ku dhex maray guriga uu magaaladda hargeysa ka daganyahay madaxwaynihii hore ee somaliland axmed siilaanyo iyo beeshiisa kaas oo ay kula gar naqsanayeen madaxwayne muuse biixi oo ay kaga cawdeen inuu toosh khaas ah ku badhtilmaameedsaday hantidii qaar kamida beeshani ka qaateen dawladihii hore.

muuse afwayne

kulankan oo ahaa mid jilbaha la isku aastay islamarkaana lagu canaantay madaxwayne biixi ayaa qodobadda uu meesha ka balan qaaday aakhirkii waxa kamid ahaa inaanu mardambe daba galin doonin hantidii beeshaasi ka qaadatay dawladihii hore iyo sidoo kale wixii mashaariic ahaa ee ay dawladii hore bixisay

waxaana madaxwayne siilaanyo oo kulanka goob joog ka ahaa madaxwayne biixi faray inaanu farafarayn wixii mashaariic iyo heshiisyo hore ahaa ee ay dawladiisii hore u gashay
si kastaba ha ahaatee muuse biixi ayaa la filayaa inuu cadaadiskan awgeed kaga kaga noqdo talaabooyin uu todobaadadii hore ka soo saaray hantidii dawladda ee hore loo boobay iyo sidoo kale heshiiyadii ay hore u gashay dawladii hore ee siilaanyo kuwaas oo uu laalay

isku soo wada duuboo hadii ay hirgasho arintani waxay dhabar jab wayn ku noqon doontaa kornayl biixi oo u muuqda inuu lafahiisa uga baqay beesha siilaanyo islamarkaana meesha ka saaray hal adaygii lagu tilmaami jiray ilaa iyo hadda qodobadda shirkaas ka fulay waxa kamid ah xil ka qaadistii xildhibaan naasir cali shire

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS