BALIGUBADLE MEDIA
Mid Kamida Maalqabeenadda Waawayn ee Dalka Sucuudiga oo Maal Galinaya Qaar Kamida Barnaamijyadda La Isticmaalo ee Baraha Bulshadda
August 8, 2018 - Written by admin

Ninka hodanka ah ee reer Sucuudi Carabiya Amiir Calawiid Binu Dhalaal ayaa shirkadda baraha bulshada ee Snapchat ka iibsaday saami dhan 2.3%, wuxuuna ka bixiyay $250 milyan oo doolar.

tijaar

Calawiid Binu Dhalaal Maalgalintan cusub ayaa waxa ay timid xilli shirkadani ay la daalaa dhacayso dhisida kalsoonia dadka maalgashadayaasha ah.

Dadka isticmaala shirkadan ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 2%, kuwaas oo wadarta gaaraya 188 milyan oo qof.

Amiir Calawiid ayaa amaanay shirkadda Snapchat oo muuqaalada lagu duubo, laguna sheekeysto.

Horey ayuu maalgashi ugu sameeyay shirkadda Twitter-ka oo ka mid ah kuwa ugu caansan adduunka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS